caroog.net
Maamul Jubbaland Oo Soo Iibsaday Diyaarad Ay Jawaab Uga Dhigayaan Dagaalkii Dhinaca Hawada Ee Ay Maamulka Muqdisho Ee Farmaajo Ku Hayeen.
October 5, 2019 - Written by admin

Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyey in ugu dambeyn ay xal u heleen mushkiladii ka heysatay sidii ay Kismaayo ku soo gaadhi lahaayeen wufuuda kala duwan ee ka qeyb galaysa caleemo saarka Axmed Madoobe ka dib markii ay soo iibsadeen dayuurad gaar ah.

Dayuuradan ayaa maanta Kismaayo geysay wafdi ay ka mid ahaayeen Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur galbeed C/kariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ka yimid magaalada Nairobi kuwaasoo ka mid ah wufuuda ka qeyb galaysa caleemo saarka Axmed Madoobe.

Talaabadan ayaa xad gudub ku ah amarkii dhowaan ka soo baxay dowladda itaalka daran ee Farmaajo ee ahaa inay diyaaradaha aada Kismaayo iyo kuwa ka imaanaya soo maraan Muqdisho iyo amar kale oo isna sheegayey in dayuuradaha ka baxaya Muqdisho ee tagaya Kismaayo ay soo weydiistaan fasax 24 saac ka hor.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Max’uud Sayid Aadan oo ka hadlayay soo dhoweynta wafdigan ayaa caddeeyay in Jubbaland ay yeelatay dayuurad u gaar ah oo loogu talo galay iney Kismaayo geyso wufuuda ka qeyb galaysa caleemo saarka.

“Waxaan ku faraxsanahay inaad nasiib u yeelateen inaad soo raacdaan diyaaradii ugu horeysey ee ay Jubbaland leedahay ummadda Soomaaliyeedna sharaf ayay u tahay, Madaxweyne Farmaajo waxaan ka rajeynayaa inuu noogu soo hambalyeeyo diyaaraddan ay leedahay Jubbaland” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo hadalkiisu u muuqday mid jees jees ah.

Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya  dayuuradan, qaarkood waxay sheegayaan in maamulka Jubbaland uu ka soo iibsaday dalka koonfurta Sudan, ayna ku baxday ku dhowaad 3 milyan oo dollar, halka warar kalena sheegayaan iney tahay mid uu maamulku soo kireystay.

COMMENTS
Latest News