caroog.net
Maamulka Iyo Bahda Shabakadda Caroog.net Oo Umadda Soomaaliyed Ugu Hambalyeynaya Munaasibadda Ciidul-Fitriga
June 4, 2019 - Written by admin

Maamulka, Howlwadeenada iyo Shaqaalaha Shabakada Caroog.net waxay hambalyo u dirayaan guud ahaan ummaddaha islaamka meel kastoo ay joogaan gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed taasoo ku aadan Munaasabada Ciidul fitriga ka dib markii ay caawa bilatay bisha Shawaal, ayna dhamaatay bishii barakeysneyd ee Ramadaan.

Agaasimaha guud ahna Milkiilaha shabakada Wararka Maxamed Ibraahim Cabdi ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney is cafiyaan farxada munaasabada ciida awgeed ayna isku naxariistaan si ay u helaan naxariista ALLE.

“Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan shaqaalaha, howlwadeenada shabakada Wararka Caroog.net iyo keygaba waxaan hambalyo ku aadan dhalashada bisha Shawaal iyo Munaasabada Ciidul-fitriga u dirayaa dhamaan ummada islaamka gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ee soo gutay Waajibaadkii Soonka ee bisha Ramadaan oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka” ayuu yidhi  Agaasimaha.

Maxamed Ibraahim Cabdi ayaa u rajeeyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan shucuubta islaamka meel kasta oo ay joogaan iney sanadkan kiisa kale ku gaadhaan, guul horumar, nabad iyo Barwaaqo.

CIID WANAAGSAN

COMMENTS
Latest News