caroog.net
Madaxweyne Biixi Oo Arin Layaableh Maanta Sameeyay Iyo Macsuumad Qado Ah Oo Gurigiisa Ka Dhacday Oo Beel Walba Looga Yeedhay Labaatan Oday + Qosolka Ku Duugan.
July 12, 2019 - Written by caroog

Hargeysa(Caroog.net)  – Madaxweyne Biixi ayaa maanta gurigiisa ku sameeyay Macsuumad Qado ah oo la isku arkay taasi oo kulan siisay Odayaal kasoo kala jeeda Jufooyinka Somaliland Oo dhan, kuwaasi oo illa heer Gobol iskaga yimid.

Qisada layaabka leh ee meesha kujirta ayaa ah inaanay is ogayn odayaasha madashani lagu macsuumay, waxaanay beel walba dhankeeda u filanaysay oo ay u qarsanahay inuu kulan gaar ah la yeelanayo Madaxweynuhu, balse waxa ay arini timid markii ay gurigiisa ay iskugu yimaadeen Wajiyo badan oo caan ah oo kasoo kala jeeda beelaha Somaliland. Tusaale ahaan waxa suuqa soo gaadhay saacado ka hor intaanay Macsuumadu furmin ee aan guriga la tagin inuu Madaxweynuhu kulan gaar ah oo qado ah u sameeyay Odayaasha Beesha degta Gobolka Saaxil kuwaasi oo ubadnaa dhinaca martida la sooryeeyay.

Sikastaba ha noqotee, Ujeedada Qadadan maanta uu Sameeyay Madaxweyne Biixi ayaa lagu sheegay mid loogu ducaynayay Arooska wiil uu dhalay Madaxweyne Biixi oo lagu magacaabo Maxamed Muuse Biixi oo Todobaadkan ka dhacday Dalka Jabuuti.

No photo description available.

COMMENTS
Latest News