caroog.net
Madbacaddii Qaranka Somaliland Oo Haawanaysa Iyo Masuuyiintii Ugu Sareeyay Oo Iskaga Dareeray + Xafiiskii Lacagta Oo Isna U Xidhan Masuq Maasuqii Lagu Eedeeyay.
April 22, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net) – Madbacadii Qaranka Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay haawanaysa oo aanay wax shaqo ahi ka socon, kadib markii ay iskaga dareereen Masuuliyiintii ugu saraysay, sida Maareeyihii Guud, Maareeye ku xigeenkii iyo Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta, waxaana dhex wareegaya oo qudha Shaqaale niyad jabsan.

Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay Shabakadda Caroog.net, ayaa noo xaqiijiyay in Maareeyihii Guud ee Madbacadaasi Maxamuud Raagge Ibraahim uu dalka Ingiriiska sifo aan lagarayn u tagay, halka uu maareeye ku xigeenkiina Liiban Cabdiraxmaan uu isna uga sii horeeyay oo uu hore ugu sii sugnaa Dalka Ingiriiska. Waxa sidoo kalena isna arimo Musuq maasuq oo lagu eedeeyay xafiiskiisa uga maqan Agaasimihii maamulka iyo Lacagta oo inta markii hore la xidhay haddana lasoo daayay, sidaasi ayaanay masuuliyiintii ugu saraysay uga maqan yihiin shaqada Madbacaddii Qaranka ee loo igmaday.

Lama garanayo ujeedada ay masuuliyiintii ugu saraysay uga dareereen Madbacadda Qaranka ee ay marqudha u faaruqiyeen Xafiisyadda shaqada, balse waxaa jiray warar mudooyinkan dambe la isla dhex marayay oo sheegaya in guud ahaan Shaqada Madbacada Qaranka laga dhigayo Madbacad gaar ah oo ka madax banaan Dawladda islamarkaana sida la sheegay waxa lagu wareejinayaan dad gaar ah oo ay ehel dhaw yihiin Madaxweynaha oo mashruuc ahaan lagu naasnuujinayo, lamana garanayo inay Maqnaanshiyaha Masuuliyiintani xidhiidh la leedahay arintani.

Dhamaan Xafiisyadda Masuuliyiintan iyo xafiisyo kale oo shaqada muhiim u ah ayaa albaabadu u laaban yihiin, waxaanad moodaa in laga guuray.

COMMENTS
Latest News