caroog.net
Madhabaa In Gaadhigii Gudoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Cirro Gurigiisa Ay Ka Dhex Qaateen Ciidamadda Bilayska Somaliland, Illaaladiisiina La Taxaabay?.
April 7, 2019 - Written by admin

Majirto Sabab Aan Idiinku Soo Qoro, Haddii Aanu Jirin Warka Ah In Gaadhigii Gudoomiye Cirro Wiish Ciidamada Birmadku Ku Qaateen, Askartiisi Saddex La Xidhay, Intii Kalena Laga Dulqaaday”.Wariye Ka Tirsan Warbaahinta WADDANI.

Hargeysa(Caroog.net) – Warar xalay si weyn loo hadal hayay ayaa sheegaya in Gaadhigii Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ay Ciidamada Bilayska Somaliland ka dhex qaateen Gurigiisa Hargeysa, illaaladiisiina la taxaabay.

Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo ay Baraha Bulshada ku baahiyeen qaar ka mid ah Wariyayaasha Ka tirsan Warbaahinta Xisbiga WADDANI ayaa warbixintan lagu sheegay, inkasta oo uu Gudoomiye Cirro Wakhtigan safar dibadeed ku maqan yahay. Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in illaaladii Guriga Gudoomiyaha Ilaalinaysayna lagu amray inay Xeryaha Ciidanka iska xaadiriyaan,halka ay sheegeen in qaar ka mid ah la xidh xidhay.

Qoraal uu bartiisa Facebookga soo dhigay Cabdiraaq Terra oo ka tirsan Warbaahinta Xisbiga WADDANI ayaa waxa uu ku yidhi sidan “ Hargeysa: Ciidamada Booliiska oo gaadhigii Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Waddani Abdirahman Cirro, ka dhex qaatay gurigiisa iyo Ciidamadii Ilaaladiisa ahaa oo lagu amray inay xeryahoodi ku laabtaan”.

Waxa kale oo uu qoraal kale ku yidhi sidan “Majirto sabab aan idiinku soo qoro, haddii aanu jirin warka ah in Gaadhigii Gudoomiye Cirro Wiish Ciidamada Birmadku ku qaateen, Askartiisi Saddex la xidhay, intii kalena laga dulqaaday,Hase ahaatee saraakiil aanu wada hadalay oo katirsan Xisbiga Waddani, waxay ku doodeen in arrintaasi sulux lagu dhammaynayo, Xukuumaddana ay ka wada hadleen,Waa arrin bahdil ku ah Mucaaradka!” ayuu qoraalkiisa ku koobay wariyahani.

 Majiro Wax War Ah Oo Arintani Ku Saabsan Oo Wali Kasoo Baxay Saraakiisha Sare Xisiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI.

COMMENTS
Latest News