caroog.net
Masuuliyiin Xukuumadda Soomaaliya Ka Tirsan Oo Ku Dhintay Qarax Culus Oo Shalay Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho + Dhaawacyaddii Cuslaa Oo Dhakhtar Dibadda Ah Loola Cararay.
January 12, 2020 - Written by admin

Masuuliyiin ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey iney ka mid noqdeen dhowr qof oo dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaadhay qarax loo adeegsaday gaadhi miineysan oo Shalay ka dhacay isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Agaasimihii maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda haweenka xukuumadda Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Bile Ismaaciil ayaa la xaqiijiyey inuu ka mid ahaa dadkii ku dhintay qaraxa Shalay ka dhacay Muqdisho.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dhaawac culus uu soo gaadhay Ku-xigeenka xoghayaha guud ee Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, kaasoo la dhigay isbitaalka Digfeer oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo.

Gaadiid ay wateen masuuliyiintan ayuu qaraxu ku qabsaday kontrolka sayidka oo ka mid ah kontrolada laga ilaaliyo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya xili ay saf ugu jireen in la hubiyo aqoonsigooda si ay halkaas uga gudbaan.

Ugu yaraan sadex ruux ayaa ku dhintay qaraxan halka lix kale ay ku dhaawacmeen sida uu Shalay Warbaahinta u sheegay afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Dheere oo la hadlay saxaafada inkasta oo aanu sheegin dhimashada iyo dhaawaca masuuliyiintan.

COMMENTS
Latest News