caroog.net
Maxaa Ka Jira In Wasiir Saleebaan Cali Koore Lagu Wareejinayo Gudoomiyenimadda Kulmiye Madaxweyne Muuse Biixi Dabadii?
March 15, 2020 - Written by caroog

“Madaxweyne Muuse Biixi Ma Ku Dhiiran Karaa Inuu Gudoomiyenimada Kulmiye Ka Saaro Nidaamka Dhaliilan Ee Dumaasha Oo Uu Beelaha Darafyada Ku Wareejiyo.

Hargeysa (Caroog.net)  –  Maalmihii u dambeeyay waxa aad u soo baxayey warar sheegaya in Xisbiga Kulmiye guddoomiye-nimadiisa si kumeel-gaadh ah loogu wareejinayo Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore).

Wasiirkii hore ee caafimaadka Somaliland, Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye oo ka tirsan xisbi Xaakimka Kulmiye, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Guddoomiye-nimada xisbiga Kulmiye ee talada Dalka Somaliland haya lagu wareejinayo Wasiir Saleebaan Cali Koore.

Xaglo-toosiye ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo dad gaar ah ay faafinayaan, oo isla markaana aan sal iyo raad toona laheyn, maadama uu weli socdo shirarkii xisbiga Kulmiye.

“Arrintaasi wax jira maaha, Xisbigu Shirar ayuu leeyahay, Shirarkaasi way soo socdaan” ayuu yidhi Wasiirkii hore e Caafimaadka Somaliland, Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye.

Wuxuuna intaas sii raaciyey Xaglo-toosiye “Waxaasi waa wax aad idinku (Warbaahinta) aad meelahaa ka tidhaahdeen, laakiin rasmi maaha”.

Waxa muddooyinkii dambe aad u soo shaac-baxayey loolan adag oo Siyaasiyiinta Kulmiye ay ugu jiraan sidii ay ku hanan lahaayeen guddoomiye-nimada Xisbigaasi, oo hadda haya talada Somaliland.

COMMENTS
Latest News