caroog.net
Maxaa Somalia ka dhacay maanta oo kale 9, Decembar 1992-dii? (Daawo Sawirro)
December 10, 2018 - Written by admin

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo ka jawaabaya macluushii iyo abaarihii ka jiray dalka sanadkii 1992-dii ayaa gaaray go’aan taariikhi ah oo sheegayey in Soomaaliya loo diro ciidamo hubaysan oo nabad ilaalin ah kuwaasoo uu hogaaminayo Maraykanka.

Talaabada golaha amaanka ayaa ka dambeysay ka dib markii caalamku u adkeysan macluushaasi oo ay galaafatay nolosha nus malyuun qof oo intooda badan ku dhaqnaa gobolada Bay iyo Bakool.

Madaxweynihii dhowaan geeriyooday ee Maraykanka George H.W. Bush oo xiligaas xilka hayey ayaa 4tii bishii Disembar sanadkii 1992dii shaaciyey inuu Somalia u dirayo 28,000 kun oo askari.

Ciidamadii ugu horeeyey ee Mareykanka ayaa cagaha soo dhigay xeebaha ku teedsan garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho maanta oo kale 9kii bishii December sanadkii 1992 oo ah muddo haatan laga joogo 26 sano

Ciidamadaas ayaa hormuud u noqday howlgalkii Rajo soo celinta Somalia ee (Operation Restore hope-UNITAF) waxay Mareykanku ku lahaayeen 28,000 halka ciidamada guud ahaan ahaayeen ilaa 37,000 kun.

Dalalka Mareykanka ku wehliyey howl-galka  UNITAF ee gadaal maga soo biiray waxaa ka mid ahaa: Australia, Bangladesh, Belgium, Botswana, Canada, Egypt, France, Germany, Greece, India, Ireland, Italy, Kuwait, Morocco, New Zealand, Nigeria, Norway, Pakistan, Saudi Arabia, Spain, Sweden, Tunisia, Turkey, United Arab Emirates, the United Kingdom iyo Zimbabwe. Nepal iyo kuwo kale.

Ka hor Inta aan ciidamadan aan loo badalin (UNOSOM II) March 1993-dii, markii hore howl-galkoodu waxaa uu ku koobnaa inay ilaaliyaan howlaha banii’aadnimada iyo gargaarka la gaarsiinayo dadka tabaaleysan.

Waxaa xusid mudan in madaxweynaha Bush uu yimid Soomaaliya December 31, 1992, isaga oo Baydhabo gaaray January 1, 1993-dii, muddada uu joogay wuxuu uu Muqdisho iyo Baydhaba ku booqday meelaha dhibaateysan, waxaa aad loogu xusuustaa inuu Soomaaliya ka badbaadiyey abaartii cago-bararka, taasoo dad badan dishay, howl-galkiisa waxaa lagu helay macaawino dadka iyo dalka wada gaartay si weyna loogu diirsaday.

Bush ayaa ahaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee maraykan ah ee booqasho ku yimaada Somalia taariikhda inkastoo xiligaas aysan Somalia ka jirin wax dowlad ah.

Markii uu Soomaaliya yimid kadib 19 maalin, waxaa xilka kala wareegay Bill Clinton, waxaana aad u xumaaday xiriirka hoggaamiyihii SNA  Gen. Maxamed Faarax Caydiid iyo ciidamada Mareykanka, taasoo keentay inay isku dhacaan.

Taageerayaashaa Caydid ayaa Muqdisho 24 askari oo ka tirsanaa ciidamadii nabad ilaalinta QM ee ka socday dalka Pakistan, taasoo keentay in marayku uu ugaarsado Jen. Caydiid, waxaana labada dhinac dhexmaray dagaalo badan.

Taariikhdu markii ay aheyd 3-dii Bishii October  1993 Ciidamada sida gaarka u tabobaran ee Maraykanka ee loo yaqaano Rangers iyo Delta Force ayaa isku dayey in ay qabtaan Jeneraal Maxamed Farax Caydiid kaasoo la tuhunsanaa in uu ku sugan yahay  Hotel Olympic oo ku yaalla xaafadda Howl-wadaag, balse dagaal halkaas ku dhexmaray ciidamada Mareykanka iyo Maleeshiyada Caydiid ayaa Mareykanka waxaa lagaga dilay 18 askari oo qaar meydkooda lagu jiiday wadooyinka iyadoo in ka badan 70 kale halkaas loogu dhaawacay, Soomaalida waxaa la qiyaasaa in illaa 500 oo qof ay ku dhinteen, halka  1,000 ka badana ku dhaawacmeen.

Dagaalkaas ayaa ahaa kii ugu xumaa ee dhexmara ciidamada Maraykanka iyo taageeryaasha Jen Caydiid, waxaana ciidamada Maraykanka lagaga soo riday labo dayuuradood oo Helicopter ah kuwaasoo noocoodu ahaa Black Hawk, waxaana dagaalkii maalintaas dhacay laga sameeyey filimka caan baxay ee loo yaqaano (Black Hawk Down).

Mareykanka ayaa ciidamadiisa kala baxay Soomaaliya  1994-kii bilo kadib markii 18 askari looga dilay dagaal dhex maray Mareykanka iyo Caydiid, waxa kale oo uu Maraykanka dalka kala baxay safiirkii u fadhiyey Soomaaliya.

   

              

  

CPL JONATHAN DIAZ, 1ST MAINT. BN FSSG

 

Super 64 crash site

 

COMMENTS
Latest News