caroog.net
Mid Ka Mid Ah Hay’addihii Ugu Mudnaa Qaranka Somaliland Oo Qarka U Saaaran Inay Xidhanto Iyo Masuuliyiintii Ugu Saraysay Oo Iskaga Dareeray + Duruufta Ay Ku Sugan Tahay.
April 23, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net) – Mid ka mid ah Hay’addihii Qaranka Somaliland ugu mudnaa ayaa qarka u saaran inay xidhanto, waxaana  gabi ahaanba iskaga dareeray Madaxdii ugu saraysay Hay’addaasi kuwaasi oo ujeedo aan la shaacin Qurbaha safaro shaqsi ah ku tagay arintaasi oo si gaar ah utaabatay islamarkaana niyadjab ay ka qaadeen Shaqaalihii ka hawlgalayay Hay’addaasi oo duruuf qalafsani lasoo daristay.

Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay Shabakadda Caroog.net, ayaa noo xaqiijiyay in Maareeyihii Guud ee Madbacadaasi Maxamuud Raagge Ibraahim uu dalka Ingiriiska sifo aan lagarayn u tagay, halka uu maareeye ku xigeenkiina Liiban Cabdiraxmaan uu isna uga sii horeeyay oo uu hore ugu sii sugnaa Dalka Ingiriiska. Waxa sidoo kalena isna arimo Musuq maasuq oo lagu eedeeyay xafiiskiisa uga maqan Agaasimihii maamulka iyo Lacagta oo inta markii hore la xidhay haddana lasoo daayay, sidaasi ayaanay masuuliyiintii ugu saraysay uga maqan yihiin shaqada Madbacaddii Qaranka ee loo igmaday.

Lama garanayo ujeedada ay masuuliyiintii ugu saraysay uga dareereen Madbacadda Qaranka ee ay marqudha u faaruqiyeen Xafiisyadda shaqada, balse waxaa jiray warar mudooyinkan dambe la isla dhex marayay oo sheegaya in guud ahaan Shaqada Madbacada Qaranka laga dhigayo Madbacad gaar ah oo ka madax banaan Dawladda islamarkaana sida la sheegay waxa lagu wareejinayaan dad gaar ah oo ay ehel dhaw yihiin Madaxweynaha oo mashruuc ahaan lagu naasnuujinayo, lamana garanayo inay Maqnaanshiyaha Masuuliyiintani xidhiidh la leedahay arintani.

Dhamaan Xafiisyadda Masuuliyiintan iyo xafiisyo kale oo shaqada muhiim u ah ayaa albaabadu u laaban yihiin, waxaanad moodaa in laga guuray.

COMMENTS
Latest News