caroog.net
Musharaxiinta doorashada Puntland oo amaro cusub lagu soo rogay (Akhriso)
November 28, 2018 - Written by admin

Guddoomiyaha gobolka Nugaal,Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) ayaa soo saaray amaro cusub oo ka dhan ah musharrixiinta xilka madaxweynaha ee imaanaya guud ahaan gobolka Nugaal

Waxaa ka mid ah amaradaas inay laba maalmood ka hor imaatinkooda Garoowe soo ogaysiiyan maamulka.

Gu’jir ayaa Sidoo musharrixiinta u sheegay in aysan qabsan karin shirar iyo xaflado aysan ka war-qabin guddiga amniga gobolka Nugaal.

Waxaa uu sheegay in Tallaabadan loo qaaday sugidda amniga musharrixiinta iyo guud ahaan amniga gobolka.

Hoos ka akhriso Wareegtada

COMMENTS
Latest News