caroog.net
“Muuse Waxa Uu Ka Mid Yahay Dadka Hantidii Qaranka Iyo Tii Danta Guudba Ku Maqan Tahay Ee Loo Tirinayo. May Ahayn Maanta Inuu Hablo Iyo Maati Ka Oohiyo”.Maxamed Baashe
April 19, 2019 - Written by admin

Hantidii danta guud ahayd mid dhisnayd iyo dhulba ee Ingiriisku ka tegey, dawladihii rayadka iyo tii milateriga ahaana ka nabad gashay ee ay weliba dayactiri jireen, waxa diirtay oo qallaylka ku xagtey xukuumadihii Muuse Biixi ka horreeyey oo tii Axmed Siilaanyo ugu darnayd.

Xukuumadda Muuse Biixina waxa ay u soo dhigatay hantidii shacabku lahaa oo dhulkii bay dadkii lahaa ku haysataa!

Muuse waa ka mid dadkii hantida qaran iyo danta guudi ku maqnayd ee loo tirinayey. Ma ahayn maanta inuu hablo iyo maato ka oohiyo ee waxa ay ahayd inuu isagu iska bilaabo oo wixii ku maqan ee qaranku leeyahay iska soo celiyo, ka dibna ka dabo tago oo soo celiyo hantida badan ee qaranka laga boobay ee qaarkeed raadkeedu sii qoyan yahay.

Markaas waxa aan hubaa in uu taagero badan dadweynaha ka heli doono.

Arrin kale

Sheedaha waxa jira dhul qaarna dhisan yahay, qaarna dayran yahay oo lixdan baloodh ah oo uu dadkii lahaa ku haysto nin ganacsade ah oo ay madaxweynaha isku raas yihiin (Ina Ayuub). Maxkamadda ayaa siddeed bilood hadda dhulkaas dacwaddiisu ku jirtaa. Meelo kalena falal kuwan oo kale ah ayaa laga soo sheegay.

Haddii uu kuwan shaadhkiisa xidhan ee dadka ku boobayana uu madaxweynuhu dadka waddo ka mariyo waa arrin kale oo Muuse taageero shacbi ku heli lahaa.

Haddaad adigu tuur leedihiyo tootir iyo qaallo
Tu kaleeto inaad toosisaa waa tu aan dhicin! Afqallooc, AHN.

Gacmo aan daahir ahayni nijaas kaama daahirin karaan.

W/Q Maxamed Baashe Xaaji Xasan

COMMENTS
Latest News