caroog.net
Qaraxyo Iyo Rasaas Illaa Xalay Galinkii Dambe Laga Maqlayay Gudaha Hotelka Cas Casey Ee La Qarxiyay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay.
July 13, 2019 - Written by caroog

Rasaas iyo qaraxyo ayaa illaa Xalay Galinkii dambe laga maqlayay gudaha dhismaha Hotelka Cas Caseey ee magaalada Kismaayo, iyadoo ay socdeen howlgallo ay ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya kuwa AMISOM ku doonayaan in ay kusoo ajfaraan weerarka Al Shabaab ku qaadeen Hotelka.

Dabley hubeesan oon wali tiradooda rasmiga ah la ogeyn ayaa ka dhax dagaalamayay qeybo kamid ah Hotelka, waxa ayna Dableyda soo ridayeen bambaanooyin iyo rasaas xoogan ay isaga caabinayaan ciidamada amaanka Jubbaland iyo kuwa AMISOM.

Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa maqlayay dhawaqa qaraxyada bambooyinka iyo rasaasta la is dhaafsanayo, iyadoo ciidamada huwanta ah wadeen hawlgalo ay dad kusoo bad baadinayaan iyo kuwa ay ku doonayaan in ay weerarka kusoo afjaraan.

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa ku guuleestay in ay soo bad baadiyaan dad badan oo ku xayirnaa dhismaha Hotelka oo isugu jiray masuuliyiin , siyaasiyiin iyo dad kale oo degnaa Dhishama Hotelka la weeraray.

Saraakiil katirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in la toogtay qaar kamid ah dableyda Hotelka Weerarka ku qaaday, waxa ayna saraakiisha sheegeen in ay rajeenayaan in howlgalka si deg deg ah usoo afjaraan.

Weerarka Ismiidaaminta iyo midka tooska ah Al Shabaab gabal dhicii maanta ku galeen Hotelka Cas Caseey ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan wali si rasmi ah loo ogeyn tirada khasaaraha.

COMMENTS
Latest News