caroog.net
Saldhigga Axmed-Dhagax: Xasuusta Taliyaha Madaxtooyada Cusub Ku Jiidjiidaya Haweenayda Xurmada Leh Qormada 2aad. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr
April 23, 2019 - Written by admin

Lingaxan (link) waxa uu muujinayaa tacaddi aan kala kulmay Saldhigga Degmada Axmed-Dhagax Ee Hargeysa oo aan ku xidhnaa 5tii illaa 8dii Jeneweri 2019ka. Waxa taliye ka ahaa ninka baastooladda ku haya haweenyada reer Somaliland ee karaamada huwan. Falkaasi arxan-darrada ah ayaa igu kellifaya in aan sii wado qormadii aan xadhigga kaga hadlayay. Walaw marka horeba afduub la igu geeyay Saldhigag Axmed-Dhagax, oo aanay qof ahaan xumaato naga dhexaynnin, isla markaana aanu iska laab-xaadhannay wixii na dhex maray…. Duudsiga haweenku ma aha wax aan raalli ka noqon karo…

http://aljasiiranews.com/…/Saldhigga-Axmed-Dhagax-iyo-Wixii…

http://www.somalilandjournal.com/…/saldhigga-axmed-dhagax-…/

Saldhigyada la igu xidhay (Taraafiga/Axmed-Dhagax) waxa aan ka dareemay heerka uu marayo adeegsiga maandooriyaha xashiishaddu. Wiil ayaa doonay in uu na kala baro cabbirka lagu miisaamo iyo xaddiga loo kala iibiyo “Waxaas ha nooga sheekayn” ayaan idhi. Waxa kale oo qolka nagula xidhnaa xukunsane intuu xashiishad ka haagay, kaddib askar maqaaxi fadhida la dagaallamay oo yidhi “dareera”.

Inta ay kaceen ayay ciidan soo kaxaysteen oo gudaha dhigeen. Saldhigyada waxa aad mooddaa xabsi, dad xukuman oo ay ahayd inay wareejiyaan ayaa iskaga sii jira muddo. Qaar ayaa xukunkooda ku dhammaysta saldhigyada.

Mid ayaannu weydiinnay “Hadma ayay kuugu darnayd markaad xashiishadda qiijisay?”. Wuxuu yidhi “Aniga oo maraya faras-magaalaha Hargeysa inta u dhexaysa Caddaani iyo Telesom ayaan galab istaagay. Waxa aan mooday in dhammaan dadku i salaamayaan. Inta aan istaagay ayaan gacmaha kor u taagay oo bariidada ka qaaday. Keligay ayaan ahaa. Markii aan saxda ku soo noqday ee aan xasuustay waan qoslay”.

Waxa xashiishadda lagu iibiyaa meelo aan ka fogayn saldhigyada oo la yaqaanno. Xitaa mar aanu ur dareennay ayuu mid yidhi “Waxa qolka inagu xiga lagu shiday nacastii (xashiishaddii)”. Waa dhiillo hor leh oo ay tahay in la isu kaashado joojinteeda.

Waxa kale oo ku xidhnaa carruur dagaallamay iyo ubad aan qaangaadhin. Waxa ka mid ahaa 8 jir bartay sigaarka, oo lagu sheegay ambad. Bannaanka ayuu joogay oo makhsinadda laguma abudhin. Maxbuus la sii daayay ayaa qolalka u qaybiyay sigaar jaban. Inta la cabbi waayay ayaa yarkii loo dhiibay, midhadhna waa loo shidaa.

Waa yaab inaad aragto siddeed jir sigaar cabbaya. Biyaha ayuu noo dari jiray labadii cisho ee hore. Qaar ayaa rushayn jiray wiilka, isaguna biyaha ayuu daaqadda bannaan nagaga saydhi jiray. Marka la qooyo, waa uu na radin jiray.

Maalintii saddexaad waxa dhammaaday taangiga gudaha, sidaas awgeed ayaa biyuhu ugu jireen taangi dibadda ah. Ma aannu helin cid na waraabisa, waayo dadka cuntada sida waxa la joojiyay bannaanka, waanay adag tahay askarigu in uu waraabiyo 43 maxbuus keligii. Waxa aanu cabbaynnay biyaha la socda cuntada oo keliya. Gunti-giijis ayaanu galnay annaga oo ka baqaynna in harraad loo darayoobo.

Dadka Taraafigu keenay Saldhigga Axmed-Dhagax waxa ka mid ahaa wiil Cabdirisaaq la yidhaahdo oo wade ka ahaa gaadhi Nooha ah . Waxa eryaday askari Maano la yidhaahdo oo ciidanka ka tegay, waxaanu siday Khanni . Waxa uu Maano gaadhiga Noohada ah hor dhigay dukhaan uu watay. Labadii baabuur ayaa si xun isugu baabba’ay. Waxa shilkaas ku dhaawacmay laba iyo toban qof oo Oromo ah. Waxa la-yaab leh in aan la soo qaban askariga la caydhiyay ee dadka ku baadhanaya shaadhka ciidanka. Abtigii oo askari ah ayaa barxadda fadhiisin jiray. Weji-garasho iyo laaluush ayaa lagu kala mudan yahay.

Dhammaan kaantaroollada Somaliland ee u dhexeeya Wajaale iyo Laascaanood waxa lagu xantoobsadaa madax-furasho iyo lacag baad ah oo laga qaado dadka suudalka (tahriibka) Oromada ka ganacsanaya. Mid kastaba waxa la siiyaa lacag cayiman. Keliya waxa laga leexdaa ka Halleeya oo maamulkiisa lala heshiin kari waayay, waayo maalmo kooban ayaa lagu beddelaa.

Maxay boolisku uga xanaaqayaan baadhashada iyo laaluushka? Annaga ayaa aragnay wadeyaasha baabuurta ee ay ka qaadaan lacagta waddo-marinta Khannida ama Oromada la tahriibinayo. Ma-gafeyaal shacab iyo ciidan ah ayaa saami ku wada jira, haa dee saw shilinnadii lama qaybsanayo?

Labadii cisho ee hore waxa aanu haysannay taleefan aanu ehelka iyo asxaabta ka wacno. Waxaa noo fuli jiray adeegga aanu rabno. Maadaama oo uu fudaydiye ahaa, si feejigan ayaa loo adeegsan jiray. Subaxnimadii saddexaad ayaa uu nagu soo kallahay askari is-kojinaya, ul sita, laba xiddigoodna wata, oo adeege la socdaa. Wuxuu yidhi “Adiga, adiga, adiga iyo adiga, midkiin ayaa taleefan haya, keena”.

Afar aan ka mid ahay ayuu farta ku fiiqay, waxa aan u sheegay in aanan taleefan haysaannin, saddexdii kalena waa dafireen. “Waa la idin baadhayaa, soo dareera. Ka laga helo, waa la ciqaabayaa” ayuu yidhi. Ninkii hayay ayaa taleefankii u dhiibay. Nalka iyo biyhuba waa go’een.

Waxa aan la yaabay sida maxaabiista qudheedu ay askarta u dawakhiso. Mid ilaalo ah oo hore maxaabiista uga cunay lacag ayaa nagu yidhi “Soo tax taxa, shaahii iyo sigaarkii ayaa dhiman”. “Waayahay ee taleefanka keen” ayay yidhaahdaan. Inta ay xigtada wacaan, oo ay lacagta iyo dabka ka idleeyaan ayay dhahaan “Numberkaas noogu soo dir”. Saacad kaddib ayay u dhiibaan “Waa la soo diray, ka eeg” ayay yidhaahdaan. Intuu hadhaaga eego ayuu yidhaahdaa “Weli ima soo gaadhin”. Marka uu soo hormaraba waxay weydiiyaan in uu helay lacagtii. Isaguna “wallaahi ima soo gaadhin” ayuu yidhaahdaa.

Askari walba waa ay u yeedhaan, kaddibna waxa ay ku dhahaan “Sigaar keen. Biyo noo dar. Qaad ii dhiib. Kumannaan ma haysaa?”. Askarta ilaalada ahi waa ay ka firxadaan qolalka maxaabiista, waayo waxa lagu hafinayaa weydiimo aanay ka warcelin karin. Jirrab ayaa la marinayaa, iyaguna markooda ma jixinjixaan. Qolalka Axmed-Dhagax waxa la furaa marka maxbuus la sii deynayo ama la soo xeraynayo. Miyaad bukootid ama aad baahi qashin-saar qabtid, iyaga uma taallo.

Mar haddii aanu weynay isgaadhsiintii, wax loo habradaa ma jiraan. Inta aan daaqadda istaago ayaan qayliyaa “Taliyihi mee?. Noogu yeedha. Meeshu ma bakhaar baa. Ma aragno dembi-baadhihii nagu qornaa iyo taliyaha aanu u xidhannahay. Gurigi wuu fog yahay, cuntada gaadhi ayaa noo soo qaada. Ehelkii ma aragno. Annagu ma rabbiino ayaanu Axmed-Dhagax ku galnay, maxaa halkan na loo keenay. Nagu celiya xerada taraafikada ama saldhig noo dhaw. Taleefan noo keena. Ehelkii noogu yeedha” ayaan dhahaa.

Kii ilaalada ku qornaa ayaa yidhaahda “Waa lagu soo dirayaa”. Waxa aanu ku tashannay in aanu cabanno, maadaama oo aanay saldhiggan waxba nagu khusaynnin.

Waxa aan maxaabiista Taraafiga laga soo walwaalay ku qanciyay in aanu mudaharaadno, oo aanu dareenkayaga gudbinno. Galabnimadii ama xilliga madax-tirsiga maxaabiista ayay gogosha soo qaateen afar maxbuus oo aan ku jiraa. Askarigii ayaa naga furi waayay “Gogoshii bay sitaan, ma soo deyn karo. Jooga” ayuu yidhi.

Baadhihii xaadirinta ku qornaa ayaa yidhi “Soo daa”. Maxaabiisti way qosleen markay arkeen afar maxbuus oo aad mooddo in la sii daayay. Iskayo ayaanu u soo laallaabnay wixii hu’ iyo heeryo naga yaallay. Af-hayeen noo hadlay ayaa gudbiyay cabashada aan ku sannaadhayay. “Taliyaha ayaa loo sheegi” ayaa la yidhi. Sidaas ayaanu ku laabannay. Markii aan ka baxay Saldhigga waxa maxaabiista lagu yidhi “Siciid ayaa kicintiinna hormood u ahaa”

Isla galabimadaa ayaa Taliyaha Saldhigga Axmed-Dhagax loo keenay warqad ay Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ku amrayso in la ii wareejiyo Saldhigga New Hargeysa. Waxa uu yidhi “Ninkan waxa masuul ka ah Taliyaha Taraafikada. Waa in amarka isaga lagu socodsiiyo”.

Maalintii labaad ee aan Axmed-Dhagax ku jiray, isla markaana aan aragnay cadaadiska ayaanu qoys ahaan ku tashannay in maxkamadda la iiga dalbo wareejin. Waxa aanu codsannay in la ii qaado Saldhigga New Hargeysa oo noo dhawaa.

Kaas ayaa ka sii nadaafad xun, laakiin ugu yaraan waxa aan aqoonsan lahaa ciidanka qaarkood. Hal askari kama garan intii aan Axmed-Dhagax joogay, iigama duwanayn jeel Ogaadeen. Dhanka kale waxa aan damacsanaa in aan Taliska New Hargeysa la heshiiyo. Dulucdu waxa ay ahayd in helo xaalad ku habboon dawo-qaadasho, hawo, xaajo-gudasho, booqashada oo la ii oggolaado iyo saayiraad. Intaas ayaan dhaafsan lahaa wax aan laabta ku haysto, iyagana dan u ah.

Waxa galabnimadaas ii yimi Siyaasi/Abwaan Sacad Cali Kaahin (Balaaki), hal qof oo aan illaaway ayaa la socday. Judhiiba “Waar halkee ayaad soo martay? Yaa kuu fasaxay inaad meesha soo gasho?” ayaan ku idhi. Halka uu soo maray ayaan la yaabay. “Waar mooyi, kadeed baan ku soo galay’e” ayuu yidhi.

Sacad Cali Kaahin Balaaki oo dulucdiisa ii tebinaya ayaa yidhi “Aniga, Cabdikariin Axmed Mooge, Jamaal Cali Xuseen, Abwaan Axmed Aw Geeddi iyo Abwaan Guuleed Yuusuf Axmed ayaa u tagnay Faysal Xiis. Markii uu la hadlay Jamal Ali Hussein Cali Xuseen, waxa uu sheegay in lagu sii-deynayo”.

Waxa uu Faysal Xiis yidhi “Markii hore waxa aan rabay in aan dhaadhiciyo, isku-day dilna ku qaado. Mar haddii aad Jamaalow ii timi, waan fudaydinayaa kiiska”. Waxa ay isla garteen in odayaasha labada dhinac kulmaan, weliba haddii ay noqoto in mag-dhaw laga bixiyo nabarka askarigu qabo, uu Jamaal Cali Xuseen laftarkiisu masuuliyadda qaadayo. Warkii ugu fiicnaa ee aan maqlo afartaas cisho ee aan xidhnaa ayuu ahaa (Jimce-Isniin).

Sida uu ii xaqiijiyay Garyaqaan Ayaanle Xaliye Ugaaska Guud ee Beelaha Somaliland Ugaas Axmed Cali-Mahdi ayaa ka mid ahaa mudanka ka xumaaday xadhigga ee ballan-qaaday inay bixiyaan wixii khasaare la igu hurgufo. Waa gobannimo dadku u dhasheen, waanan ku bogaadinayaa in ay ila dareen ahaayeen. Walaw ii iman lahaayeen, meel aan ku xidhnaa ayay garan waayeen. Markii aan soo baxay ayaanu kala war helnay.

Faysal Xiis Cilmi waxa uu hore ugu gacan-saydhay Walaalkay Mahad Maxamuud Gahayr, Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed (Mandeella), Injineer Maxamed Beddel Maxamed iyo Khadar Jirde Axmed oo ergo ahaan ugu tegay.

La soco qaybta saddexaad..

Siciid Maxamuud Gahayr
Image may contain: 1 person, smiling, outdoor

COMMENTS
Latest News