caroog.net
Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye Oo Cadeeyey In Aamina Weris Dalka Xukumaysay Cahdigii Siilaanyo
November 12, 2018 - Written by admin

Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Mustafe Maxamed Yoonis ayaa cadeeyey in marwadii madaxweyne Siilaanyo ay door ku lahayd talada dalka.

Xoghaye Mustafe Maxamed Yoonis oo ka hadlayey shir jaraa,id oo uu eedaymo ugu jeediyey xoghayaha arimaha gudaha xisbiga Ucid Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa sheegay in marwadii hore ay ku haysay xilalkii badnaa ee uu ka soo qabtay gobolada kala duwan ee dalka.

Xoghaye Mustafe oo ka hadlaya sidii xisbiga Kulmiye loogu hayey Ramaax ayaa waxa uu yidhi “Markii Kulmiye guulaystay doorashadii 2010 , gudoomiye Saleebaan ayaa Ramaax gacanta qabtay oo siilaanyo u geeyey oo ku yidhi ka dhig badhasaab, sidaas ayaanu  ku soo galay nidaamka xisbiga kulmiye iyo dawladiisa.”

Xoghaye Mustafe Maxamed Yoonis ayaa intaas raaciyey “Markii dambe waxa uu helay cid ilaalisa mar kasta oo uu wax gaysto oo marwo Aamina Weris oo ay ilmaabti ahaayeen ayaa in badan taageertay.” Ayuu yidhi

COMMENTS
Latest News