caroog.net
“Sharci Ahaan Waxaa Muhiima In Qodobada Sharci Laga Hadliyo Ka Hor Intaan Talaabo Xadhig La Qaadin Arinta Xildhibaan Dhakool” . Garyaqaan Yuusuf Biixi
May 9, 2019 - Written by admin

Xadhiga Xildhibaanku Waxa uu Baal marsan yahay Dastuurka Qodobkiisa.79aad(1aad,2aad) Dastuurka J/S/L Marka hore xildhibaanka fikirka uu eeda ku galay lama qabo , sidoo kale in sharcidaro lagu sii saxo kuma raacsani xukuumada in iyadoo sifo sharci u marikarta xadhigiisa lagu dad-dago maxaa sababay , waxaan aaminsanahay in aanay fahmin qodobada sharci iyo waajibaadka ay farayaan cida talaabada qaadaysaa ama xadhiga fulinaysaa , waana dhib ina wada haysata inaan sharciga lag hadlin ka hor intaan talaabo xadhig la qaadin , xildhibaanka lagu helo isagoo danbi faraha kula jira waxaa markiiba lama xidhayo , qodobka,79aad(1aad) waxa uu leeyahay waxaa lagu eedaynkaraa ama oogi karaa dacwad marka uu galo fal ciqaabtiisu gaadhayso 3 sano .


Farqada 2aad Qodobka.79aad waxay odhanaysaa xeerilaaliyaha guud ayaa golaha ka hor oogaya eeda loo haysto golaha uu xildhibaanku ka tirsanaa hadii 3meloodaw laba ay u codeeyan in xasanada laga qaado waxa uu xeerilaaliyaha guud eediisa u gudbinayaa oo dhagaysanaya maxkamada sare ee cadaalada sidaas darteed waxaa iminka xadhigan xildhibanka ka khaldan qodobadadan.
1. xildhibanka hadii waran maxkamada gobolka lagu xidhay waa mid sharciga baalmasan awoodii maxkamada gobolkana way ka baxsantahay .
2. xildhibaanka xeerilaaliyaha guud golihiisa umuu gubin wax Codsi ama eeda oo uu ku dalbanayo in xasaanada laga qaado si sharciga loo horgeeyo loogana abalmariyo falka uu galay
3.Golaha uu ka tirsanaa xildhibanku umay qaadin cod si xasaanada xildhibaanimo looga qaado ,

Sidaasna waxa uu xadhigani ku noqonayaa mid sharciga baalmarsan oo lagu dag-dagay xalaal iftinbaa la qashaa qof faldanbiyeed lagu hayo marwalba waxaa xadhigiisa xaran ka dhiga cida talaabada xadhiga sifaha qaladan umarta
allena xaqa hayna garansiiyo aamin

Image may contain: 1 person, beard

COMMENTS
Latest News