caroog.net
Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Oo Fikir Mihiim Ah Soo Jeediyay Oo Xasuus Ahaan Looga Dhigi Karo Xaaji Cabdi Waraabe + Goobta Uu Farta Ku Fiiqay in loogu magacdaro.
May 13, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net)  – Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Somaliland ayaa fikir aad u mihiim ah soo jeediyay, kaasi oo uu ku sheegay in Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Cabdi Waraabe xusuus looga dhigi karo.

Waxa uu soo jeediyay in loogu magacdaro Machadka Xalinta Khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa, maadaama oo uu ahaan shaqsi ku suntanaa xalinta Khilaafkaadkii kala duwanaa ee Guud ahaan Soomaalida soo maray, islamarkaana si gaar ah uu door  muuqda ugu lahaa heshiisiintii Beelaha Reer Somaliland wakhtiyaddii ugu adkaa.

Qoraal kooban oo uu Jamaal Arintaasi kaga hadlay ayaa waxa uu ku yidhi sidan “ Fikrad soo jeedin: Haji Abdi Warabe Institute for Peace and Conflict Studies – Hargeisa University. Anigu waxaan soo jeedin lahaa in lagu bilaabo Oo magacaa loo bixiyo qaybta lagu barto nabadda iyo xalinta khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa”.

Xaajigu Ilaahay naxariistii jannaddii ha ka waraabiyee maadama uu ahaa qof xagga nabadda ku xeel dheer, kuna suntan islamarkaana tacab badan geliyey waxa lama huraan ah in loogu magac daro goob muhiim ah Oo ay Bulshadu qadariso. Sidoo kale dalka Maraykanka gaar ahaan Jaamacadda Harvard university waxaa jira school ka mid ah Oo arrimaha dawladda iyo siyaasadda lagu barto Oo loogu magac daray madaxweynihii Maraykankee John F Kennedy, waxaana iskuulkaasi la yidhaa; ” John F Kennedy School of Goverment at Harvard University”.

Sidoo kale inaguna waxaynu odhan karnaa; ” Haji Abdi Warabe Institute for Peace and Conflict Studies at Hargeisa University. Goob keliyana uma qalmee 2 iyo 3 ba wuu u qalmaa. Fikradaha laysla dhex marayo ee halkii lagu maamuusi lahaa ayaan aniguna ku soo dhex tuuraya fikradaasi haddii Eebbe yidhaa. Bal aniguna soo jeedintaydaasi diiwaanka ii geliya inshallah.

COMMENTS
Latest News