caroog.net
Somaliland Eed Ma Leh Inta Koonfur Sidan U Dhaqmayso : W/Q Ibrahim Aden Shire
April 7, 2019 - Written by admin
Inta aanan guda galin dooddayda aan labo arrimood sii hormarsado. Tan koobaad waa in hadalka aan halkaan kusoo gudbin doono uu yahay aragtidayda shaqsiyadeed sidaas awgeedna aanan cidna ku matalin. Tan labaad waa inaan aaminsanahay Soomaali-weyn. Taasi waxay ka dhigantahay in aanan marnaba ka raalli noqon karin inta hartay oo sii kala tagto.
Soomaalidu waa dad tiro ahaan aad ooga yar dhulka ay dagganyihiin. Gobalka walba oo dhul weynaha soomaaliyeed ka mid ah inta ku nool toban jibberkeed ayuu qaadi kari lahaa balse dad buuxiya lama hayo. Dhinaca kale waxaa dul yaxoobo dadyow aad u tiro badan oo dhulku cariiri ku yahay. Dadkaasu dhulka bannaan ee u dhow waa ay arkaan una hanweynyihiin. Sidaas awgeed isla joogidda waxay kaalmayn in cudud xooggan oo laga cabsado aan yeelanno. Halka kala taggu uu sahlayo in midba dhinac loo cuno innaga oo aan isu gurman karin.
Tusaale waxaa noo ah Jabuuti marki ay kusoo duushay Eritareeya. Uma aannan diri karin ciidan, xataa afka kama sheegi karno inaan diyaar u nahay inaan dagaalka ku garab istaagayno waayo waxaan nahay labo dal oo kala badaxbannaan. Dagaal labo dal u dhaxeeyo inuu mid kale kusoo biiro waxay horseeddaa dhib weyn iyo in dalal kale soo galaan dagaalka. Haddiise ay Soomaali hal calan leh jiri lahayd way isku hilba diriri lahayd. Si kooban mowqifkaygu waa ma kala maaranno. Adoo middaas cindiga ku hayo akhri qormada si daggan.
Soddon sano ka badan Soomaalilaan waxay doonaysaa inay noqoto dowlad madax bannaan oo ka istaagto Geeska Afrika. Soddonkaas sano maalin kama aysan nasan tallaabo walba oo yoolkeeda gaarsiin kara. Koonfurtu soddonkaas sano waxay lahayd yeeli mayno inaad go’daan midnimadeennuna waa lama taabtaan. Labada dhinac ilaa hadda isuma garowsana midka xalku ka socon la’yahay. Haddaba yaa eedda leh. Anigu waxa ay ila tahay in ree Koonfurku yahay mushkiladda ugu badan ee kala cararka labada gobal.
Waxaa la wada ogyahay oo aan ku noqosho iyo sharraxaad u baahnayn sidii gobonnimada lahayd ee madaxdii Soomaalilaan midnimada ugu gurmadeen, walaaltinnimadi iyo galgacaylki ay muujiyeen iyo natiijadi ay ka dhaxleen niyadsamidi ay la yimaadeen. Marki taasi laga soo tago ilaa maanta lama hayo wax soo jiitaa ree Soomaalilaan oo ay usoo noqdaan.
Koonfurtu iyadaan is ogalayn, dagaal aan dhammaan ku jirta, is xasdaysa oo luguha isku dhaggan. Waxaan ogahay inaysan sax ahayn in ree Koofur la yiraahdo oo laga dhigo dad is leh oo iska xigo ree Waqooyi. Hasa yeeshee marki xisaabtan noocaan ah lagu jiro huri mayso in la isku qabto waayo isku mooqif ayay ka yihiin arrinta Soomaalilaan.
Ka sakow colaadda gaamurtay ee Koonfur ka aloosan, lama hayo wax garowsho ah oo ka imaanaya dhinaca Koonfureed. Uma muuqato inay iyagu yihiin cidda tanaasulka laga rabo. Maxaa wacay, labo ruux oo is haya mid leeyahay waan kaa tagayaa midna leeyahay ha iga tagin ee ila joog, kan wada joogidda rabo inuu tanaasulo ayaa lagama maarmaan ah oo caqliga suubbani uu keenayaa. Waxaas iyo waxaas ayaan kuu hayaaye ila joog oo ha iga tagin ayuu oran lahaa qof lexejeclo hayso.
Taas baddalkeedi, ree Koonfureedku waxay u arkaan Soomaalilaan beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed mudanna in sidaas loola macaamilo. Wax qaybsiga iyo qoontadooda lagu saleeyo hab beeleed. Marki hab maamul goboleed wax lagu qaybsanayo waxaa isku miisaan la saaraa Galmudug iyo Jubalaan taasoo quursi iyo jaaifo ku ah Soomaalilaan.
Waxaa meesha laga saaray in Soomaalilaan tahay xiddig ka mid ah shanta xiddigood ee Soomaaliweyn ka koobantahay. Xiddigti Soomaalilaan waxaa lala simay xiddigti koofureed oo shan loo qaybiyay qurub ka mid ah inay sidaas ku raalli noqoto ayaana laga quud-darraynayaa.
Is waydii waxa uu kaa soo doono, ruux nabad iyo nolol haysto, madaxtinnimo ka badan iyo maamul midigaystay, hiigsanayo inuu noqdo dal madaxbannaan oo kula sinnaada barri. Sidee loogu fakeri karaa maamul si buuxdo gacanta ugu hayo dadkiisa iyo deegaankiisa, maamul, ilaa xad, wanaagsan iyo nabad haystay muddo dheer inuu la mid noqdo xero hadda la xaarxaarayo? Sidee looga rajayn karaa Soomaalilaan tanaasul iyo soo laabasho iyadoon la tusin jileec iyo walaaltinimo, garowsho iyo soo noqosho, rabitaan iyo hurid. Haa hurid loo huro wax walba oo ay ku qanci karaan. Hurid oggolaysiisa inay kusoo noqdaan si kalsooni iyo jeceyl leh. Hurid muujisa inuusan khaladki hore oo kale dhacayn.
Huriddaan waxay noqon kartaa, sida ay aniga ila tahay ama aan yeeli lahaa haddii aan talada hayo, labo middood. Tan hore oo an taan ugu jeclahay waa in la siiyo xubin muuqata. Tusaale, caasimadda dalka oo loo raro Hargaysa ama magaalo kale oo Soomaalilaan ah. Waxaa la mid ah in la siiyo kursiga madexweynaha ama rasulwasaaraha. Macnaha sida hadda loo yiri Hawiye ama Daarood ayaa madaxweyne noqon kara in la yiraahdo qof Waqooyi kasoo jeeda ayaa xilkaas leh. Labadaas waa mid keeni karta in Soomaalilaan aqbasho midnimada iyo wada noolshaha. Waa midda ugu sahlan ee la samayn karo dadkoo dhanna dan u ah.
Midda labaad ee aan dhihi lahaa, midda korana ka hoosayso, waa in loo ogolaado awood dheeraad ah. Macnaha in aysan la mid noqon Kismaayo iyo Baydhabo ee ay yeelato awood intaas ka badan iyadoo wali ka tirsan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Tusaale, waxay u madaxbannaanaan dhammaan arrimaha gudaha, waxay yeelan misaaniyad u gooni ah, iyo awood ilaa xad ka badan midda maamullada kale. Si kooban waxaan ka ahayn arrimaha dibadda iyo difaaca dalka, ha noqoto mid ka madaxbannaan dalka intiisa kale. Arrintaas baciid maahan meelo badan oo dunida ah ayayna ka jirtaa. Tusaale, Ingriiska.
Ingriisku wuxuu ka koobanyahay afar gobal oo iyagu ay ku magacaabaan afar dal (countries). Saddex (Iglan, Waqooyiga Ayrlaan iyo Weelish) isku si ayaa loola macaamilaa midna (Iskoodlaan) si gooni ah. Iskoodlaan waxa ay leedahay baarlaman awood badan leh. Awoodaha la siiyay oo ay mid yihiin maamulidda canshuuraha iyo dajinta nolosha gobalkaas waxay keentay in dadkeedu ku raalli noqdo wadajirka UK walow ay siyaasiyiintu si walba ugu dadaaleen inay goostaan. Sanadi 2012’ki afti laga qaaday shacabka daggan Iskootlaan waxay ku goosteen inay dalkooda dhexda ooga jiraan.
In ree Iskootlaan ka doortaan madaxbannaani in laga xukumo London waxaa sabab u ah inay heleen wax ay u qancaan. Oo maxay ku diidi in ay haystaan awood ay gobalkooda sida ay iyagu rabaa ooga dhigtaan xaggana ka mid ahaadaan dal weynaha Ingiriiska ee dunida laga ciseeyo?
Waxaa la mid ah ree Soomaalilaan. Intaan arkay shacabka Soomaalilaan waa kuwo niyadsan, wanaag jecel soomaalinnimaduna ku weyntahay. Hadallada siyaasiyiintu sheegaan maahan mid ka turjumaya xaqiiqda iyo dareenka shacabka Soomaalilaan. Sida madaxda Iskootlaan oo dadaal galisay inay goostaan shacabku u diiday ayay shacabka Soomaalilaan u diidi inay raacaan madaxda gooni-goosadka doonayso haddii ay ree Koonfur ka arkaan rabitaan iyo gacaltooyo. Oo maxay ku diidi inay helaan awood madaxbannaan oo ay dhulkooda ku hormarsadaan iyagoo dhexda kaga jira Jamhuuriyadda Soomaliya oo xoog badan?
Hadalki oo kooban Soomaalilaan eed kuma leh mowqifka ay taagantahay inta Koonfur sidan u dhaqmayso. Haddii aan midnimo rabno aan dib isugu noqonno tanaasulna aan la imaanno.
Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com

kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxeexan, kamana tarjumeyso tan Shabakadda Caroog.net. Caroog.net, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada (Caroog100@gmail.com” Mahadsanid. 

COMMENTS
Latest News