caroog.net
Suldaan Ku Eedeeyay Madaxweyne Muuse Biixi Inuu Dagaal Sokeeye Dalka Ka Hurinayo, Kuna Mashquulsan Yahay Shirar Doceeyo Uu La Qaadanayo Qaar Ka Tirsan Beelaha Si Ay Hawsho Ugu Hirgasho.
November 17, 2018 - Written by admin

“Waxa Muuqata Ama La Sheegayaa In Xukuumaddu U Diyaar Garoobayso Dagaal Sokeeye Inay Gasho, Warar Xog Ogaal Ah Ayaa Sidaasi Muujinaya, Waxa La Sheegayaa Inuu Madaxweynuhu Ku Mashquulsan Yahay….”.

Burco(Caroog.net) – Suldaan Maxamed Muuse CUNE oo ka mid ah Salaadiinta Gobolka Toghdeer oo dhawaan ay Madaxtooyaddu xabsiga dhigtay ayaa markale ku celiyay in Xukuumaddu dabadda  ka riixayso sidii uu dagaal Sokeeyo dalka uga dhici lahaa, waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxtooyaddu shir duceedyo arimahaasi ay ku suulinayso ay maalmihii u dambeeyay ka socdeen.

Suldaan Cune oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa waxa uu ugu horayn yidhi  “Waxa Muuqata ama la sheegayaa in Xukuumaddu u diyaar garoobayso Dagaal Sokeeye inay Gasho, warar Xog ogaal ah ayaa sidaasi muujinaya, Waxa la sheegayaa inuu Madaxweynuhu ku mashquulsan yahay reero badan oo uu u yeedh yeedhayo, oo uu la shirayo isagoo arintaasi kala tashanaya oo doonaya Dagaalkiisaasi sokeeye inuu hirgaliyo, kaasi waa Qodob. Qaar ka tirsan Beeshayada oo ah qoloadii Masaakiintii ahayd ee awalba la joogtayna ee aan meel ka qaban jirinna waabay is arkeen oo Waxaabu kuyidhi dalka kasoo guba Bariga  anna Xagga Galbeedka ayaan kasoo gubayaaye, Taasina waa mid jirta”.

Waxa kale oo uu yidhi“waan  layaabay aqliyan hadalka Noocaas ah ma jeclaysan in dalka la gubo ah, taasina waa taas. Marka la eego Astaamahan Isabajoogga ah ee aan geedna loogu soo gaban, marka la eego Asdaamaha Dawladdu ku kacayso ee ka mid tahay Xadhigan isbajoogga ah ee aan geedna loogu soo gaban ee Suldaan, Oday, Caaqil iyo Siyaasi mid walba la xidhayo ee Jeelka la dhigayo ee Gurigiisa loogu dhacayo, Ee Maxkamad Milatari inta la geeyo ee lagu xukumayo ee aanay cidina ka hadlaynin, Ciddina aanay ka hor imannaynin, Xaqdaradda Noocaasi ah iyo Xadhigaasi marka aad eeggto, waxay ka mid tahay waxyaabaha muujinay in Dagaal sokeeyo la waddo”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi“Waxa kale oo ka mid ah sababaha aan anigu ku xaqiijinayo ama aan leeyahay way ku dhici kartaa inuu dagaal Sokeeye dalka ka dhaco,  oo la doonayo in lagalo. Amaradda qaldan ee Warbaahinta Madaxa bannaan lagu bartilmaameedsnayo ee lagu cabudhinayo ee loo soo marsiinnayo Wasiirka Warfaafinta, ee qaar ka mid ah hawada laga saarayo ee la xidhayo, ama loogu hanjabayo inaanay waxba baahin, waxa kale oo ka mid ah Qalabkan dadka lagu dhagasyanayo  ee dadkii Xidid iyo Xigaalka ahaa lagu dhagaysanayo sida ay Xisbiyadda Mucaaridkuba ka dhawaajiyeen, waxaasi waa waxyaabaha tilmaamaya inay Madaxdan hadda dalka haysataa ay u diyaar garoobay Inuu dalka ka dhaco ”.

 

Xigasho Wargeyska Foore

COMMENTS
Latest News