caroog.net
“Suldaan Xasanaw Naag Igamaad Dhigine, Hub Ka Dhigis Ayaad Igu Samaysay Oo Aan Kuu Qirayaa”, Buurmadaw Oo Goob Fagaare Ah Ku Maagay Suldaanka Subeer Awal.
January 3, 2020 - Written by admin

“Duco Siyaasadeed Anagu Kaamaanu Gudoomin, Laakiin Isla Xisaabtan Ayaa Inaga Inoo Dhexeeya, Waxaanu Kugu Ixtiraamaynaa Inaad Tahay Suldaanka Subeer Awa

Boqor Cismaan Awmaxamuud Buurmadaw ayaa weerar afka ah ku qaaday islamarkaana si adag goob fagaare ah ugula yool yooltamay Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, arintaasi oo dadkii munaasibadda ku sugnaa aad uga qoslisay, kana yaabisay.

Boqor Buurmadaw iyo Suldaan Xasan ayaa ku kulmay Doraad Munaasibad lagu caleemo saarayay Suldaan, taasi oo ka dhacday Magaaladda Gar-Adag ee Gobolka Sanaag. Boqor Buurmadaw oo hadalka ka daba qaatay Suldaan Xasan ayaa waxa uu yidhi “Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Awal,kalmad caqiibo leh ayuu halkan ka yidhi oo waxa uu yidhi Duco ayaan idiin sidaa, waar maanta miyaynu duco kali ah ka eegaynay Suldaan Xasan”.

Isagoo hadalka sii wata ayaa waxa uu yidhi“Beribaa waxaa dhacday, oday adeerkay ah oo la odhan jiray Geedi Cigaal, kootarabaanle ayuu ahaa, qori ayuu kasoo iibsaday Itoobiya, deedna qoladan Abtiyaday ee aanu waligayaba hoos ka tuuradda lahayn, ayaa waxa uu tagay meesha la yidhaa SARMAANYO, Isaga iyo tobankii nin ee la socdayba Hubkii ayaa laga tirsaday, Deedna in ayaa intuu ku riday rasaastii ayuu ku yidhi “naag makaa dhigay”, “waar naag igamaad dhigine, hub ka dhigis ayaad igu samaysay ayuu yidhi, intaasi ayaan kuu qiray inaad hub ka dhigis igu samaysay”.

Waxa kale oo uu yidhi “Geedkani waa Geedkii aanu Habarjecladda Hubka dhigista kaga samayn, Dawladnimadanna xagaasi ayaanu gaynay, maanta Caawimadda Dawladduna, cosobiye weeyi oo way na dhaaf dhaafaysay, illaa Balad weyne waatii sii socotay oo waan ku hambalyaynayaa intaas, xiitaa haddii ay tahay Duco siyaasadeed anagu kaamaanu gudoomin Suldaan Xasan, laakiin isla Xisaabtan ayaa inaga inoo dhexeeya, waxaanu kugu Ixtiraamaynaa inaad tahay Suldaanka Subeer Awal”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay.

COMMENTS
Latest News