caroog.net
TELESOM Yaa Noo Garnaqa? : W/Q Ilyaas Ahmed Wais
June 10, 2019 - Written by admin

Telesom waa shirkad isgaadhsiineed oo bulshada ugu jirta kaalin muhiim ah oo Run ahaantii ku amaanan adeega wanaagsan ee ay umada u hayso ee isgaadhsiineed Balse waxa jirta waxyaabo badan oo igu haya dhibaato joogto ah oo aan kaga cabanayo telesom waxana ka mid ah waxyaabahan aan hoos ku xusan fadlan dhuuxa cabashadaydan:-

 Waxa maalin walba kaadhkayga TELESOM soo gala xayaysiis Leh magacyo kala duduwan oo ay ka mid tahay Dhakhtar Hebel oo ku takhasusay Babaasiirta Macaanka dhiikarka iyo Xanuuno kale oo badan, sidoo kale waxa isoo gala xayaysiisyo magacyo kala duwan leh oo aanan raali ka ahayn in ay isoo galaan.

 Adeega Ila-Wadaag Marka ay Asxaabta iyo Jacayladuba kugu soo garaacaan ee ay dhacdo in aanu Prepaid kuu jirin wuxuu moobilku ku odhanaya UGUMA JIRTO LACAG KU FILAN FADLAN HA GARAACIN MAR DAMBE taasina waa meel ka dhac wayn oo isku kayo dirtay jacayladii

 Waxa taa ii dheer lacagta aad ku shubato kaadhka telesom adoon ku hadal inaad ka waydo lacagtii kuugu jirtay waar Hadaba ma jinbaa ku hadlay ma aqaano 0.5 ama $1 ee aan prepaid ahaan ugu shubato moobilka telesom inta daqiiqo ee lagu hadlo .

 Habeen kasta marka aan seexdo lacagta Prepaid.ka ah ee aan moobilka kaga seexdo uguma soo tooso intii iigu jirtay ee subax kasta badh-baa la iga maqan oo uguma soo tooso intii aan kagaga seexday, tasoo iyana caqabad wayn ah iyo qaar kaloo badan:-

Dadwaynoow Marka hore cabashadaydan Darsa oo dhuuxa ka dibna Raygiina ka dhiibta faafiya si aan bushada ula wadaago madaama aan filayo in la ila qabo cabashadan muhiim ay tahay inaan wadaagno

FG:- Waxaan telesom uga digayaa in ay dhawrto xuquuqda aan ku leeyahay Mamciil ahaan waayo kaadhka isticmaalkiisa ee telesom ma laha.

Image may contain: 1 person, smiling

COMMENTS
Latest News