caroog.net
Waa kuma Maxamed Qanyare “ Taariikhdiisa soddomeeyadii sano ee u dambeeyay (Qaybta Saddexaad)
July 7, 2019 - Written by admin

1997 markii Hoggaamiyayaashii Kooxaha Soomaaliya ay ku kulmeen Qaahira, waxay ka koobnaayeen laba isbahaysi.

Shirku wuxuu u ekaa mid ka dabaakhaya shirarkii Addis Ababa ka dhacay ee inkasta oo kooxaha dhan la isugu keenay haddana aan wax ka soo bixin.

Kan hadda sidoo kale kooxaha oo dhan ayaa lagu casuumay kana qeyb galay. Wasiirkii Arrimaha Dibadda Masar oo gacan ka helaya Jaamacadda Carabta ayaa aad isugu howlay in uu ka mira dhaliyo.

Iyada oo Danjiraha Ethiopia aan inta badan ku arki jiray xarunta shirka iyada oo hoggaamiyayaasha qaar la kulmeysa, mararka qaarna siineysa telefoon Thuraya ah. Ma ogi cidda ay kula hadlayeen.

Laba Isbahayi ayaa kulmay. Dhinac waxaa socday rag ay hor kacayaan shan si meerta ah midba uu bil Guddoomiye yahay. Waa Cali Mahdi, Cabdullaahi Yusuf, Zoppe, Gabyow iyo Cusmaan Caato ayna ka mid yihiin Raajis, Mayow, Cumar Xaaji Masalle iyo Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil.

Dhinaca kale waxaa wada socday rag ay ka mid yihiin Xuseen Caydiid, Cabdiraxmaan Axmed Cali, Maxamed Qanyare Afrax, Axmed Cumar Jees, Maxamed Nuur Caliyow, Cabdikariin Axmed Cali, Xasan Qalaad iyo rag kale oo badan.

Markii laga hadlay in kuraas la qeybsado, waxaa la isku mari waayay sida wax loo qeybsanayo. Labada dhinac midkood wuxuu qabay in qaybta kuraasta lagu saleeyo hab beeleed.

Dhinaca kale wuxuu qabay in wax lagu qeybsado sida uu wadahadalku u dhacay oo ah laba dhinac.

Markaa dhinac waxaa Guddoomiye u ahaa Xuseen Caydiid. Dhinaca kalena, inkasta oo ay Guddoomiye-nimadu ay meerto ahayd, oo intii aan Qaahira joognay ay isu mareen Gabyow iyo Cusmaan Caato, haddana ninka markaas ugu magaca weyni wuxuu markaa ahaa Cali Mahdi Maxamed.

Wax qeybsigu in uu ku saleysnaado laba dhinac ragga aad ugu ad adkaa waxaa ka mid ahaa Qanyare oo yiri beel wax isuguma darsana.

Shirkaas oo aan BBC uga warramayay, markii la isku mari waayay wax qeybsiga waxaa ka carooday oo ka baxay Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo General Gabyow.

Waxay dib ugu laabteen Soomaaliya. Markiibana waxaa billaabatay qabanqaabada dhismaha Puntland.

Cabdullaahi Yusuf markii ay BBC wax ka weydiisay natiijada Shirka Qaahira ka soo baxday aad ayuu u dhaleecayay wuxuuna ku sheegay in ay af Soomaaliga ku soo kordhiyeen eray cusub oo ah “La-Guddoomiye” oo ah xilalka Cali Mahdi iyo Xuseen Caydiid uu u magacaabay Shirka Qaahira.

Shirka Qaahira wuxuu aniga ii faa’iideeyay in aad saddex usbuuc maalin iyo habeen la joogay madaxdii markaa ugu sarreysay Soomaaliya.

Waxaa kale oo aan ku bartay bulshada Soomaaliyeed ee Qaahira, qaar joogta ah iyo qaar marmar tagaba.

Waxaa ka mid ah laba nin oo midna uu hadda ka mid yahay kuwa Ganacsiga ugu sarreeya, waa Axmed-Sucuud oo ah Madaxa Hormuud. Iyo nin siyaasadda meel sare ka gaaray, hadda rag ay is hayaan ay ka saareen, mustaqbalkiisa siyasadeedna aanan hubin meesha uu ku dambeyn doono. Waa Guddoomiye Baarlamaan ee hore, iyo Madaxweynihii Koofur Galbeed ugu horreeyay.

Haa. Waa ninka aad u maleysay. Waa Shariif Xasan Shiikh Aaden. Waa shir looga hadlayo siyaasad Soomaaliyeed kii iigu horreeyay iiguna dambeeyay ee aan abid arko Shariif Xasan oo goobjoog ah haddana aan fadhin kuraasta ugu sarreysa, xataana aan cod ku lahayn.

Waa shirkii lagu bixiyay oraahda ah “Xaq doon ma nihin ee waxaan nahay xal doon”.

Dad dhegeystay warbixin aan arrintaa ku xusay ayaa ka dib i weydiiyay, Xal ma imaan karaa haddii aan xuquuqda la sugin?

Waa su’aal weli taagan oo aan la wadaagayo akhristayaasheyda sharafta leh.

Eldoret iyo Nairobi 2004

Qanyare waxay Eldoret wada yimaadeen Mowliid Macaane goor fiid ah. Habeenkaas waxaa Qanyare ka gashaday Moqliid.

Labada mas’uul waxaa ay muddo taagnaayeen miiska soo dhoweynta Hotelka iyada oo cid qaabbishay aanay jirin.

Hoteelka waxaa dhex jooga boqollaal Soomaali ah oo qaar deggan yahay qaarna ay u soo shaqo tageen ama ay u soo war iyo sheeko doonteen.

Labada mas’uul ayaan taagni kula sheekeysaneynay annaga oo dhowr ah. In yar marka aan sheekeyno waxaa mowduuca beddelaya marba laba ama saddex isla socda oo qaar yahay Hoggaamiye kooxeedyo ayaga oo meesha maraya na salaama oo war noo sheega ama midkeen wax weydiiya.

Markii dambe ayaa mid ku yiri Qanyare, Hoteelkaan cidina idiin imaan meyso ee u tag madaxda Hotelka ama kua shirka maamuleya si la idiin dejiyo. Wuxuu u tilmaamay halka ay joogaan wuxuuna ugu daray adiga ayaa dalkan af yaqaane u tag.

Markuu Qanyare damcay in uu dhaqaaqo ayaa waxaa ka hor booday Mowliid Macaane oo ku yiri anigaa dalkaan kaaga fiicane iska joog.

Mowliid wuxuu dhahay af iyo anigaa dalka aqaan ma shaqeyneyso. Sankiisa inta uu laba farood ku tilmaamay ayuu yiri kanaa ii shaqeyhaaya ee iska joog.

Waan ku wada qosolnay arrinkiina waa la xalliyay.

Qanyare wuxuu ahaa ragga siyaasadda kariya oo gedgeddiya oo curiya mowqif cusub si uu u abuuro isbahaysiyo hor leh.

Nairobi oo ay Hoggaamiye Kooxeedyada hubeysani ay isku waafaqsanaayeen in kursiga laga rito Madaxweyne Cabdiqaasim, haddana Qanyare iyo ragga qaar ma taabacsaneyn Murashaxnimada Cabdullaahi Yusuf oo ugu tun weynaa Hoggaamiyayaashii berigaas.

Qanyare wuxuu isku dayay in uu abuuro Koox hoggaamiyayaal ah oo uu doorashada garab ka dhigto. Wuxuu abuuray isbahaysi uu siddeed kooxood isugu keenay oo la baxay G8.

Maalmahaas iyo kuwo ka horreeyay oo Qanyare siyaasadda karinayay, ka shaqeynayay tanaasulaad iyo isfaham kooxda uu ku dagaal geli rabo dhexdeeda iyo iska caabbinta kooxaha ay is diiddan yihiin, waxaa laga hayaa dhowr Oraah oo lagu soo xusuusto xagga siyaasadda.

Markii uu u tartamay kursiga siyaasadeed ee dalka ugu sarreeya, qiyaasayna in laaluush jiro, Qanyare wuxuu Xidlhibaannada u sheegay Lacagi waa qaadasho, Mabda’una waa halkiisa.

Marka laga tago in ay damiir xumo tahay in laaluush waliba siyaasadeed laga dhigo wax caadi ah, haddana oraahdu waxay bannaanka soo dhigeysaa foolxumada hortaalla, waxayna talo ka bixineysaa sidii laga yeeli lahaa.

Mar kale waxaa laga hayaa in uu yiri, faa’iido iyo khasaare wax u dhexeeya ayaa jira, taas oo ah lafahaaga cesho.

Habeen ama laba ka dib markii looga guuleystay tartanka Madaxtinnimada Soomaaliya ayaan Qanyare kula sheekeystay Hotelka Intercontinental ee Nairobi.

Qanyare waa careysnaa. Inta bandanna asaga ayaan dhegeysanayey.

Ka dib Doorashada

Sax ma aha in H***ye la siiyo tiro Xildhibaanno ah oo le’eg kuwa qabaa’ilka kale. Halkaas ayaa sixid u baahan, ayuu yiri Qanyare.

Wiil miiska fadhiyay, oo aan u maleynayo kuwii qurbaha ka yimid in uu yahay xamaasadna ay u wehliso ayaa markiiba u riyaaqay. Wuxuu yiri, waa sax hadalkaagu. Bal sidee loo simi karaa oo beel hebel oo kale uu h***ye ula kuraas ekaadaa?

Qanyare wuu is fasiray oo wuxuu yiri, H***ye ma ahan in la siiyo tiro la eg qabaa’ilka kale, sababta oo ah ma astaahilo.

Wiilka hadalka ayaa ku dhegay. Waa wiil qurbaha ka yimid, oo wax uu waddanka ku darsaday aan la arag, rabana in uu ka taliyo ama talo ka dhiibto jagada dalka ugu sarreysa iyo sida loo qeybsanayo kuraasta Baarlamaanka, ka hor inta aanuu ku laaban meeshii uu ka yimid.

Iyo nin wax kasta oo uu awoodo geliyay siyaasadda iyo dagaalka, naftiisa halis u geliyey, wiilal badan ay mowqif uu qaatay dartiis u dhinteen ka dib marka ay dileen qaar kale oo uu adeegsanayo Hoggaamiye ay Qanyare is hayaaan.

Waxay ahayd sheekada kala maan oo horteyda ay ku jilayaan laba nin oo midkood ay ka dhab tahay midna uu isu muujinayo in ay ka dhab tahay, qofka aan u fiirsanna uu u qaadanayo in ay ka dhab tahay.

Halkaan ka Aqriso Qaybta Labaad

Qore:-Yusuf Garaad
Wasiirkii Hore Arimaha Dibadda

COMMENTS
Latest News