caroog.net
Waa maxay dabaal dega YOGA ? (International day of Yoga)
July 1, 2019 - Written by admin

Qaramada midoobey ayaa sanadkii 2014 kii maalintan u aqoonsatay maalin caalami ah oo sanad walba la xuso 21 ka bisha June, kadib markii Ra’isal Wasaaraha Hindiya horgeeyey shirka golaha guud ee QM in maalintan oo kamid ah dabaal degyada dhaqamada qadiimiga ah ee Hindiya laga dhigo maalin caalami ah.

“Yoga waa hadiyad mucjiso ah dhaqanka qadiimiga ah ee Hindiya, waxay ku dhisan tahay midnimada maskaxda iyo jidhka, fikirka iyo ficilka, xakameynta iyo fulinta, isdhexgalka udhexeeya nafta iyo dabeecadda, habka guud ee caafimaadka iyo fayoobida.” ayuu khudbadiisii soojeedinta ku yiri Ra’isal Wasaaraha Hindiya Narendra Modi oo arintan lagu raacay 2014 kii.

Hindiyada oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan dunida ayaa lagaga dhaqmaa dhaqamo iyo diimo kala duwan oo dadka qaarba wax caabudaan, maalinta Yoga ayay dadka Hindiya ee dhaqankan aaminsani sameeyaan isu imaatin ay ku sameeyaan jimicsiyo, gacmaha ayay isku qabtaan iyo indhaha iyagoo muujinaya khushuuc ay aaminsan yihiin inay khayr ku helayaan.

Majirto wax faa’iido caafimaad oo muuqda oo ay leedahay maadaama jimicsiga kujiraa oo yahay mid aan waxba bedelayn. in la xusana waxay muhiim u tahay dadka dhaqankan leh oo raba inay dunida ku faafiyaan.

Maalintan ayaa xuskeeda lagu qabtay magaalada Garoowe.

COMMENTS
Latest News