caroog.net
Wafdi Ka Socday QM Iyo IGAD Oo Qodobo Xasaasi Ah Kala Hadlay Madaxweyne Deni (Sawirro)
October 5, 2019 - Written by admin

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan muhiim ah kula qaatay wefdi ka socda UNSOM iyo IGAD oo ay hormuud u ahaayeen Ku-xigeenka Ergayga QMee Soomaaliya Ammbassador. Raisedon Zenanga iyo Ergayga urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Ammbassador Maxamed Cali Guyo.

Wasiirada Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa ka warbixiyey kulankaasi.

“Maanta waxaa noo yimid IGAD oo uu hogaaminayo Madaxa ugu sareeya iyo UNSOM madaxdeeda, waxay la kulmeen Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirada qaarkood, waxaan ka wada hadalnay guud ahaan geedisocodka dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii loo xoojinlahaa degenaanshaha siyaasiga ah ee dalka, loona yarayn lahaa khilaafaadka jira oo ay shaqadooda tahay IGAD iyo UNSOM labadoodaba. Shirkaasi waxa uu ahaa shir midhadhal ah oo arrimahaasi khuseeya”.

“Waxaa kale oo Dowladdu si gaar ah ay ugala hadashay layskuna af-gartay in gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn la gaarsiiyo adeegyada bulshada iyo mashaariic horumarineed labadaba, goboladaas oo dowladdu mudnaan gaar ah siinayso, ahna horumarka gobolada kale ka jira uusan gaadhin si baaxadleh, iyadana waa ay soo dhoweeyeen, waxaan rajaynaynaa haddii Alle idmo in arrintaasi laga gungaadho. Shirkaasi waxa uu kusoo dhammaaday guul iyo is af-garad .

Shido kale Wasiirka ayaa xusay in Isbuucii hore Garoowe soo gaadheen wefti balaadhan oo ka socda Dowladda Jarmalka, waxaa uu sheegay in Dowladdu u gudbisey mashaariic horumarineed oo mudan in laga wadashaqeeyo kuwaasi oo khuseeya horumarinta dhaqaalaha.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa xaqiijiyey in mashaariicdaasi ay aqbaleen masuuliyiintii ka socotey dalka Jarmalka, waxaana ka mid ahaa dhismayaal Dugsiyo Farsamada gacanta ah, dardargelinta mashariicda caafimaadka ay Puntland ka wadaan oo dhaqaale kale loo helay iyo lacag 13.5 million ah oo lagu horumarinaayo arrimaha dhaqaalaha.

  

COMMENTS
Latest News