caroog.net
War Deg Deg Ah: Askari Toogasho Ku Dilay Askari Kale Oo Tirsan Ciidamada Badda Somaliland Iyo Xaalad ka Taagan Magaaladda Berbera.
November 24, 2018 - Written by admin

Berbera(Caroog.net) – Askari ka tirsan Ciidamada Badda Somaliland ayaa sida wararku nagu soo gaadheen Xalay toogasho ku dilay Askari kale, Waxaanay arintaasi ka dhacday Magaalo Xeebeedka Berbera.

Alle ha unaxariistee Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Sida lanoo xaqiijiyay Cabdikhadar, waxaanu u geeriyooday xabad uu laabta kaga dhuftay Askari ay ka wada tirsanaayeen Ciidanka Badda Somaliland.

Meydka Askariga la dilay ayaa wali yaala Halkii uu ku geeriyooday ee Magaalada Berbera ee Caasimada Gobolka Saaxil, halka Askarigii dilka gaystay xabsiga loo taxaabay, baadhisna lagu hayo.

 

Warar wixii kasoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Caroog.net

COMMENTS
Latest News