caroog.net
War Deg Deg Ah: Akhri Khasaare Baahsan Oo Dhimasho Dad Iyo Burbur Hantiyeed Iskugu Jira Oo Uu Roobkii Mahiigaanka Ahaa Ee Galabta Ka Da’ay Hargeysi Sababay.
May 13, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net)  – Roob aad u xoog badan ayaa galabta ka da’ay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa kaasi oo gaystay Khasaare iskugu jira dhimasho dad iyo burbur hantiyeed.

Dad tiradooda lagu sheegay lix qof ayaa ku geeriyooday, halka 9-qofna la soo sheegay inay dhaawacyo kala duwani soo gaadheen kuwaasi oo lasoo gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee Hargeysa.

Dadka dhintay waxa sida la sheegay ku ka mid ah 4-qof oo gaadhi wada saarnaa oo ay qaaday laag biyo mareen ah oo kutaala Xaafadda Daloodha ee Woqooyiga Magaalada Hargeysa.

Waxa burburay huteelo, tukeeno ,Meherad iyo goobo kale oo mihiim ah kadib roob dabaylo watay oo muddo saacad ah ku da’ayay Caasimadda Hargeysa. Waxa sidoo kale kala xidhmay oo illaa hadda kala xidhan isku socodka Caasimadda kadib jidadka waa weyn oo uu daadkii soo buuxiyay dhagaxaan.

Masuuliyiin Xukuumadda ka mid ah ayaa hadlay oo aanu hadhaw idiin soo dayn doonaa insha Allah.

COMMENTS
Latest News