caroog.net
War Deg Deg Ah: Madaxweyne Biixi Oo Caawa Kormeer Ugu Baxay Xaafadda Daami Iyo New Hargeysa Oo Daadad Xooglihi Ku Fataheen + Sawirro
May 13, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net) –  Warar hadda soo gaadhay Shabakadda Caroog.net ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu Hadda kormeer ku marayo xaafado ku yaala Bariga magaaladda Hargeysa oo daadad xooglihi ku fataheen Roobkii weynaa ee Galabta ka da’ay Caasimadda HARGEYSA.

 Image may contain: 6 people, people smiling, people standing

Madaxweyne biixi oo ay weheliyaan Saraakiisha Amniga iyo hawlwadeenadiisa khaaska ah ee Madaxtooyadu ayaa si si gaar ah Kormeer ugu baxay Xaafado uu ku soo jabay Dhaamka Daami oo uu hore Madaxweyne Biixi markii uu ololaha kujiray u balan qaaday dadka Xaafadaasi degan inuu wax kala qabanayo. Daadkaasi ayaa la soo sheegayaa inuu gaystay Khasaare dhimasho iyo barkaca Qoysas badan oo dan yar halkaasi deganayd u badan.

Inkasta oo aan wali la wada ogaan khasaaraha dhabta ah ee uu Roobkan Galabta da’ay gaystay haddana waxaa lasoo sheegayaa khasaare baahsan, waxaana illaa hadda Dhakhtarka Weyn ee Hargeysa la keenay 7 qof oo Meyd ah iyo dad aad u badan oo dhawac ah. Dadkan dhintay waxa ku jiray dad uu laydh qabsaday iyo qaar gaadhigii ay saarnaayeen uu daad qaaday.

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing
Image may contain: car, night and outdoor
Image may contain: 5 people, people standing
Image may contain: 8 people, people smiling, people standing

COMMENTS
Latest News