caroog.net
War Deg Deg Ah: Madaxweyne Biixi Oo Safarkiisii Ugu Horeeyay Todobaadkan Ku Tagaya Qaraadda Yurub Iyo Dalka Uu Ku Jihaysan Yahay.
June 8, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net)  – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biix Cabdi ayaa todobaadkan safarkiisii ugu horeeyay ugu baxaya Qaaradda Yurub isagoo halkaasi kulamo mihiim ah kaga soo qayb galaya.

Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku saabsan safarka Madaxweynaha ee ay helayso Shabakadda Caroog.net ayaa sheegaya inuu Madaxweynuhu safarkiisan si gaar ah ugu jihaysan yahay Caasimadda Stockholm ee Dalka Sweden, halkaasi oo lagu soo casuumay shir Caalami ah oo ka dhici doona kaasi oo lagaga hadli doono Arimo ku saabsan Mandaqada Geeska Africa iyo Caqabadaha ka jira iyo sida Somaliland doorkeeda uga qaadan karto.

Kulankan ayaa lagu sheegay in lagu rajo wayn yahay inuu qabsoomo Maalinta Taariikhdu tahay 12 – june 2019  15.00 – 18.30, kaasi oo ka dhici doona hoolka shirarka ee Baarlamaanka Dalka Sweden.

 

COMMENTS
Latest News