caroog.net
War Deg Deg Ah: Tiknikadii Iyo Ciidankii Boqor Buur Madaw Ee Illaa Shalay Ciidanka Qaranku Ku Daba Jiray Oo U Talaabay Dhinaca Maamulka Puntland + Warar Dheeraad Ah.
June 10, 2019 - Written by admin

Garowe(Caroog.net) – Wararka laga helayo Magaalada Garowe ee Caasimadda Maamulka Punland ayaa sheegaya in Tiknikadii iyo Ciidan Beeleedkii ay Ciidanka Qaranka Somaliland  ka baacsadeen Deegaanka Ceel Afweyn u galeen Maamulka Puntland.

Wararka ay helayso Shabakadda Wararka ee Caroog.net, Ciidankii aadka u hubaysnaa iyo Tiknikadii ay Shalay Shabakadda Caroog baahisay http://www.caroog.net/deg-deg-cutubyo-ciidanka-qaranka-somaliland-ka-tirsan-oo-ku-dhawaaday-maleeshiyo-aad-u-hubaysa-oo-ka-amar-qaata-boqor-buurmadaw-iyo-maleeshiyaddii-oo-u-fakatay-dhinaca-puntland/  inay usii jeedeen dhinaca Puntland ayaa hadda lasoo sheegayaa inay si rasmi ah iskugu dhiibeen Maamulka Puntland.

Gadiid illaa Shan Tikniko ah lagu sheegay iyo Maleeshiyo hubkoodii sita ayaa sida lanoo xaqiijiyay isku dhiibay Puntland.

Dhinaca kale waan waan illaa shallay laga dhex waday Boqor Buurmadaw iyo Xukuumadda ayaa kusoo idlaaday is afgaran waa, waxaana muuqata inuu Boqor Buurmadaw qaatay go’aankan ay Maleeshiyaddiisa oo sanadadii u dambaysa ku sugnayd Garacad ay isku dhiibaan Maamulka Puntland.

Wararka soo kordha Kala soco Caroog.net

COMMENTS
Latest News