caroog.net
War Deg Deg Ah: Wararkii Ugu Dambeeyay Niman Walxaha Qarxa Ku Farsamaynayay Magaaladda Wajaale Oo Iyagii Uu Ku Qarxay Iyo Xildhibaan Silayaableh Uga Hadlay.
April 27, 2019 - Written by admin

Wajaale(Caroog.net) – Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Iid Xasan Dheere ayaa si layaableh uga hadlay Shan nin oo Walxaha Qarxaha ku farsamaynayay Xalay Fiidkii Guri kuyaala Magaaladda Wajaale oo iyagii uu ku qarxay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in raggaasi ay dhamaaantood ahaayeen Rag kasoo wada jeeda Muqdisho ama Soomaaliyada Koonfureed, waxa uu sheegay in raggaasi guri wajaale kuyaala ay ku farsamanayeen Qarax islamarkaana wixii ay farsamanayeen iyaga ku qarxeen. Waxa kale oo uu sheegay in laba ka mid ah la hayo oo mid dhaawac yahay halka saddexdii kale ay Ciidamadda Booliisku raadjoogaan.

Waxa uu ugu baaqay shacabka Reer Somaliland inay foojignaan dheeraad ah u yeeshaan waxa ugu yeedhay cadawgooda, oo ay ka war hayaan Guriga jaarkooda cidda soo gashay, maadaama oo ay inagu soo dhaw dahay Xuskii 18-MAY. Waxa uu sheegay in Alle SWT fashiliyay raggaasi shalay wixii ay la damacsanaayeen Somaliland islamarkaana uu hawlgalkaasi uu fashilmay oo iyaga laftoodii waxyeelo ka gaadhay.

Qoraal uu Xildhibaan Iid Bulshadda la wadaagay islamarkii hawshani Xalay dhacday ayaa waa uu ku yidhi “Illaahay iyagii ayuu inagu furtay wixii ay inala damacsanaayeen, isheenu way shaqaysay, Inkaarteenii ayaa ku qarxisay iyagii waday. Alle ayaa mahaddaasi iska leh, waxay goor dhawayd Bombo ku qaraxday shan nin oo reer Xamar ah, Goobtu waa Guri kuyaala Wajaale. Laba waa la qabtay, midi dhaawac yahay, iyo mid kale, Saddexna waa lagu raadjoogaa. Dadka reer Somaliland ha feejignaadaan, qof walba hala socdo guriga jaarkiisa cidda kujirta, maadaama ay inagu soo fool leedahay Xuskii 18-ka May. Ciidamada Booliiska halagu gacansiiyo Sugida amniga oo yaanay cid cadawgeena ahi inagu dhex dhuuman”.

Ninka Dhaawaca ah ayaa la keenay Xalay Cisbitaalka Weyn ee Hargeya, ninkaasi oo la sheegay inuu dhaawac culus qabo oo ay lug iyo gacani go’an tahay, halka ninkii kale ee isna la qabtay loo dhaadhiciyay laanta dambi baadhista Hargeysa. sidoo waxa illaa Xalay lagu daba jiray Firxadka Saddexdii nin ee kale oo iyagu goobta iskaga fakaday kadib markii uu ku qarxay wixii ay farsamaynayeen.

COMMENTS
Latest News