caroog.net
War Deg Deg Ah: Wasiir Xukuumaddii Hore Ee Siilaanyo Ka Tirsanaa Oo La Sheegay Inuu Isku Day Dil Dirqi Kaga Bad Baaday Magaalada Hargeysa.
September 9, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net) –  Wararka ay helayso Shabakadda wararka Caroog.net ayaa sheegaya in mid ka mid ah Wasiiraddii ugu tunka waynaa uu todobaadkii hore dil dirqi kaga bad baaday kadib markii uu la fakaday dirawalkii gaadhiga u waday.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay eheladda Wasiirkii hore ee wasaaradda  Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa noo xaqiijiyay inuu todobaadkii hore isku day dil si dirqi ah kaga badbaaday.

Image may contain: 1 person
Wararka Caroog heshay ayaa sheegaya in Maxamuud Xaashi oo goor duhurnimo ah sii galaya Guri uu ku leeyahay Xaafadda Biibsiga ee Hargeysa uu si kedis dhinaca ugu soo qabtay gaadhi aan illaa hadda la aqoonsan haybtiisa islamarkaana uu nin qori ku hubaysani isku dayay inuu daaqad markaasi ka qarsoonayd uu kasoo dhaadhaco kaasi oo uu isha ku dhuftay ama uu ka aragti horeeyay Dirawalka Maxamuud xaashi sida ay noo sheegeen eheladdiisu, sidaasina uu dirawalkii Maxamuud Xaashi uu goobta ugala soo fakaday, isagoo dib uga soo noqday Guriga, islamarkaana uu gaadhigii kalena uu wado kale dhuftay ama qaaday.

Wararkan ay Caroog heshay ayaa intaasi u daray in Islamarkiiba uu Maxamuud Xaashi wargaliyay Laamaha Amniga Somaliland kuwaasi oo aan illaa hadda cidna u qaban falkaasi fashilmay.

Maxamuud Xaashi Cabdi oo  ka mid ahaa masuuliyiintii ugu miisaanka culsaa Xukuumaddii Siilaanyo ayaa hadda guclo orod ugu jira Hanashada Booska Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi dabadii.

 

COMMENTS
Latest News