caroog.net
War Deg Deg Ah:Askari ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Dhinaca Maamulka Puntland Ula Baxsaday Gaadhi Ciidanka Qaranku Lahaa.
November 28, 2018 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net) – Askari ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa la baxsaday gaadhi uu lahaa Taliyaha Kuutada Koowaad ee Ciidanka Qaranka Somaliland.

Wararka ay Shabakada Caroog ka helayso jiidaha hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland ee Gobolka Sool ayaa noo xaqiijiyay in Askari ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland uu maanta duhurnimadii uu Xerada Guutadda Koowaad ee Ciidanka Qaranka Somaliland kala baxsaday Gaadhigii uu lahaa Taliyaha Guutadaasi islamarkaana uu ula kacay dhinaca Maamulka Puntland, waxaana sida la sheegay markii uu inyar Xerada ka sii socday dhex ka sii kexeeyay laba gaadhi oo Tikniko ah oo ka tirsan Ciidanka Puntland kuwaasi oo la malaynayo inuu marka hore khadka telefanka kula sii xidhiidhay,waxaanu sidaasi kula galay Dhinaca Puntland.

Xaalad Culus ayaa ka jirtay Jiida hore waxaanay arintani ku soo beegmaysaa wakhti uu Madaxweynaha Somaliland safar ku joogo deegaamo ka tirsan Gobolka Sanaag, halka uu dhinaca kalena Madaxweynaha Puntland isna saaka tikniko la soo galay deegaamo ka tirsan Bariga Gobolka Sanaag ee Somaliland gaar ahaan Degmadda Dhahar oo uu illaa imika ku sugan yahay.

COMMENTS
Latest News