caroog.net
War Weyn: Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ganafka Ku Dhuftay Qorshe Uu Madaxweyne Muuse Biixi Ka Damacsanaa In Xildhibaan Dhakool Lagu Maxkamadeeyo.
May 12, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net) – Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa mar kale ganafka ku dhuftay qorshihii labaad ee uu Bil Gudaheed Madaxweyne Muuse Biixi ka dalbaday, kaasi oo ay mar kale kaga diideen in la maxkamadeeyo Xildhibaan Dhakool oo ka tirsan Golahaas islamarkaana Ciidanka bilaysku dhawaan xabsiga dhigeen.

Wararka arintani ku saabsan ee ay helayso Shabakadda Caroog.net ayaa sheegaya in maanta kulan deg-deg ah ay iskugu imaaden Golaha Wakiilada Somaliland, kaasi oo ay kaga arinsaddeen codsi xasaanad ka qaadid oo dhinaca Xukuumadda uga yimid oo lagaga dalbaday inay xalaaleeyaan in la maxkamadeeyo Xildhibaan Dhakool.

Kulankan ayaa waxa si gaara iskugu yimid Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland, kuwaasi oo ku falan-qeeyay xadhiga ay ciidamada Somaliland kula kaceen Xildhibaan Dhakool oo ka tirsanaa xildhibaanada golahooda iyo dalabka Xukuumadda.

Guddigan ayaa waxay sheegeen in qaabka loo maray xadhiga xildhibaan Dhakool inuu yahay mid baal-marsan sharciga, iyaga oo Xukuumada Muuse Biixi ugu baaqey in sida ugu dhakhsaha badan xabsiga uga sii dayso xildhibaanka.

Guddiga Joogtada ah ee kulanka deg-dega ah iskugu yimid, waxa kale oo ay ka hor-yimaaden dalabkan uga yimid Madaxweyne Muuse Biixi, kaasi oo ku aadanaa in xasanaada xildhibanimo laga qaado xildhibaan Dhakool, si ay u xalaashato xadhigiisa, loona maxkamadeeyo.

Waa qorshihii labaad ee uu Bil gudahii Madaxweyne Muuse usoo gudbisto Golaha Wakiiladda si uu uga xalaalaysto ee uu waji gabax kala kulmo, waxaanay hore uga diideen dalabkii ku saabsanaa xaaladii militari ee uu ku soo rogay degmooyin ka tirsan Gobolka Sanaag.

Xildhibaan Dhakool ayaa shalay waxa la hor-geeyay Maxkamada Hargeysa iyada oo uu Gudoomiyaha maxkamada Gobolka Maroodi-jeex uu iska diiday dhageysiga dacwada lagu soo eedeyay xildhibaanka.

Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex, Cabdi Qawdhan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Xildhibaan Dhakool aan xadhigiisa loo marin sifo sharci, isagoona ka dhawaajiyey in xildhibaanka lasoo xidhay isagoon Xasaanadii Xildhibaanimo laga qaadin.

Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxay dadaal ugu jirtaa siday xasanaada xildhibaanimo uga qaadi laheyd xildhibaan Dhakool, taasi oo ay ku xalaashaneyso xadhigiisa sharci-darada ah.

Xildhibaanka ayaa lagu haystaa aragtii uu si shaqsiyan ah ugaga hadlay xuska 18-ka May oo uu ku sheegay Xus u gaar ah qaar ka mid ah Beelaha degga Somaliland.

COMMENTS
Latest News