caroog.net
WAR XIISE LEH: Xafiiska Imtixaanaadka Shahaadiga Ah Ee Somaliland Oo Ganafka Ku Dhuftay Kulan Dooddeed Ku Saabsan QISHKA Oo Xarunta Hidaha Iyo Dhaqanka Hargeysi Marti Galisay.
June 8, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net) – Xafiiska Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Qaranka Somaliland Somaliland National Examination and Certification Board ayaa ganafka ku dhuftay kulan doodeed lagu macsuumay oo ku saabsan QISHKA oo uu iclaamiyay inay martigalinayaan Xafiiska Hidaha iyo dhaqanka Somaliland “Redsea Culture Foundation ee Magaaladda Hargeysa.

Qoraal Kooban oo ay Masuuliyiinta Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland soo dhigeen Barta ay ku leeyihiin Facebookga oo uu hoosta kaga qoran yahay Gudoomiyaha Xafiiskaasi Daa’uud Axmed Faarax ayaa waxay kaga hadleen jirintaanka warkan, waxaanay ku daadafiyeen arintaasi, iyagoo sheegay inaanay waxba ka ogayn arintaasi oo aanay waxba kala socon iclaamka Xafiiska Hidaha Iyo Dhaqanka ee ay labadooda xafiiska Dhabarka isku hayaan.

Qoraalkan ayaa waxa ay ku yidhaahdeen sidan “Waxba Kama Jiraan Kulanka Doodda Ah Ee Xarunta Dhaqanku Shaacisay. Ma Ogi Mana Jirto Meel Ay Igula Soo Xidhiidheen.

Sideedaba, Doodaha Noocan Ah Waxa U Xilsaaran Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka. Sidaas Darteed, Ma Aqbali Karno In Cid Kale Ku Soo Xadgudubto Awoodaha Sharci Ee Xafiiskan.” Guddoomiyaha Imtixaanaadka Qaranka Jsl, Md. Daa’uud Axmed Faarax.

Image may contain: 2 people, people on stage and people standing
No photo description available.

COMMENTS
Latest News