caroog.net
Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xukuumadda Iyo Xaalada Gobolka Awdal + Badhasaabka Oo Amray In Lasoo Xidho Garaad Caan Ah.
October 31, 2019 - Written by admin

Sida aan ku helayno warar hoose oo ka soo baxaya kulamo xasaasiya oo wali ka socda magaalada borama Ayaa waxaa na soo gaadhaya in badhasaabka gobolka Awdal uu amray in la soo xidho Garaad Maxamuud Rooble Hufane.

Garaad Hufane oo ka mid ahaa hogaanka dhaqanka ee uu badhasaabku kala hadlaayey sidii xal looga gaadhi lahaa xaalada ka aloosan gobolka Awdal.

Badhasaabka ayaa isaga oo u dawladynaaya hogaanka faray labbo arimood in ay fuliyaan, oo kala ahaa in ay beeniyaan hadalkii Suldaan Abubakar Cilmi iyo in ay soo xero galiyaan Suldaanka iyo ciidankiisa.

Garaad Hufane oo ka mid ahaa dagaal yahanadii hore ee jabhadii xoraynta soomalida Itoobiya iyo tii ka farcantay ee Horyaal, sagaal jeerna ku dhaawacmay dagaalo qadhaadh oo isaga iyo jabhadiisu la galeen ciidamadii huwanta ahaa ee Itoobiya, Kuuba iyo Ruushka, ayaa aad u qoonsaday hadalka badhasaabka, kana dhiidhiyey in hadal la faro, loona dawladeeyo.

Garaadka ayaa badhasaabka u sheegay in cagaha uu dhulka saaro, handadaada iyo caga juglaynta joojiyo, in la isku dawladeeyaana ayna banaanayn, qabiilana la yahay, waxana uu yidhi.

“Adeer meeshan in la isku dawladeeyo ma aha, ee cagaha dhulka saar, beeshina Isaaq markaad Caare keentaan ayaa anagu Suldaan Wabar keenayna, inama yar-yar oo aad fariin faraysana ma nihin ee jooji gabgabta iyo caga juglaynta”

Intaa kadib waxaa meeshii ka abuurmay buuq iyo hadalo dhaadheer oo la is waydaarsay, waana lagu kala kacay, balse odayaal kale oo la sii hadlaayey badhasaabka iyo masuuliyiintii kale ayaa soo qaatay balan cusub.

Wararka ayaa sheegaya in kulan ay habeenkii xalay yeesheen odayaasha dhaqanka ee beelaha uu ka soo jeedo suldaan wabar Iyo wasiirka wasaaraga ganacsigu ku soo dhamaaday natiijo la’aan isla mar ahaanta ay wasiirka iyo odayaashu isku fahmiwaayeen kulankaasi 

sidoo kale waxaa maanta magaalada Borama  Soo Gaadhay Xubno Ka Socda Magaalada Ku waasi oo la sheegay in uu so diray madaxwayne muuse biixi kana soo jeeda gobolka Awdal

Xukuumada Madaxwayne Biixi Ayaa Oo Uu Horkacayo Badhasaabka Gobolku ayaa waxa ay odayaasha ku qasbaysaa in ay soo xero galiyaan suldaanka amba ay xilka Xayuubiyaan Si ay soo qabashadiisu ugu fududaaso 

COMMENTS
Latest News