caroog.net
Wariye Coldoon Oo Loosoo Dhaadhiciyay Dhinaca Magaalada Hargeysa Iyo Eheladiisa Oo Ka War Warsan In Xalay Ciidamadii Qabtay Ay Jidh-Dil U Gaysteen.
April 18, 2019 - Written by admin

Burco(Caroog.net) – Warar Xalay naga soo gaadhay magaalada Burco ee Caasimadda Gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa sheegaya in ciidamada Bilayska Gobolkaasi ay xabsiga dhigeen Wariye Cabdi-maalik Muuse Coldoon.

Ciidamada ayaa qabtay Cabdi Maalik xili la sheegay inuu gaadhigiisa ku dhex watay bartamaha magaalada Burco, waxaana la ogeyn waxyaabaha ka dambeeya xadhiga wariyahan oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Burco.

Qaar kamid ah xubno ka tirsan ehelkiisa ayaa xaqiijiyay in ciidamada booliska ee Somaliland ay xabsiga dhigeen wariye Cabdimaalik, waxaana ay sheegeen inay ka walaacsan yihiin sida loola dhaqmi doono.

Booliska gobolka Togdheer ayaa horey u sheegay in ciidamada Somaliland ay hayeen Waaran kasoo baxay maxkamada magaalada Hargeysa kaasi oo lagu faray inay xeraan Wariye CabdiMaalik Muuse.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa jirtay hadal-heyn ku aadan in Ciidamada Booliska Somaliland ay baadi goobayaan Wariyaha oo dhawaan kasoo laabtay qeybo ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Warbixino uu kasoo diyaariyey.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon ay ciidamada Booliska Somaliland Xabsiga dhigaan,waxana horay u jirtay in Maxkamada Magalada Hargeysa ay xukun ku riday.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka gobolka Togdheer oo ku aadan xariga Wariyaha, balse waxaa socda dadaalo ehelkiisa ay sameynayaan.

Haddaba Qaar ka mid ah ehelkiisa gaar ahaan dhalinyaradda gacan yaraha u ah ee maamusha Bogga uu ku leeyahay Facebookga ayaa qoraal ay soo dhigeen ku sheegay in Hargeysa loo soo dhaadhiciyay, islamarkaana Coldoon jidh dil loogu gaystay Saldhiga Burco.

Qoraalka ayaa u dhignaa sidan“Kadib xalay markii ay noo diideen ciidamadu in aanu aragno coldoon annaga oo is leh hubiya jidh dil ay ciidamada police ku u gaysteen oo goob joogayaal noo xaqiijiyeen saaka ayaanu booqanay waxaanay noo sheegeen ciidanku in xalay saqdii dhexe Hargeisa loo qaaday yaga oo noo raaciyey meesha cabdimalik laga doonayaa inay hargeisa tahay sidaa darteed ay gudbiyeen”

“Waxa idinla hadlaya maamulaha page ka coldoon”.

COMMENTS
Latest News