caroog.net
Wax ka ogaw Taariikhda odayaashii iyo Culumadii aasaasay Waxdadda 1969kii Iyo Sawirradoodii. W/Q Maxamed Cabdi Daa’uud.
April 7, 2019 - Written by admin

Waa odayaashii iyo Culumadii aasaastay Waxdadda 1969kii. Dhammaantood Allah haw naxariisto. Cumar Xuseen (Ceesh), oo nool, oo ahaa madaxii Waxdaddana, Allah ha ku manaysto cimri dheer iyo cibaada suuban. Xuseen Baraawe (AHN) ayuu ahaa ninkii qaaday sawirkan iyo sawiro kaleba 1973.
Xagga midigtaada mar walba ka bilaw.
Safka fadhiya dhulka:
Cali Ibraahin Iidle, Ciise Muuse, xog-hayihii Waxdadda.
Cumar Xuseen Ceesh, Ciidagale, madaxii Waxdadda
Siciid Nuur, Habar Jeclo, Golaha Wada-tashiga.
Shariif Maxamed, Ashraaf, Wacyi gelinta
Safka dhexe:
Sh Ismaaciil, Akishe, Muàdinkii Masjidka Jasmacii hore.
Cabdiraxmaan Yuusuf Xananside, Sacad Muuse, Golaha Wada-tashiga.
Cabdiraxmaan Xaashi Dubad, Sacad Muuse, Madax-ku-xigeen.
Maxamuud Muuse Afweyne Ciidagale, Golaha Wada-tashiga
Ninka ku xigaa kumuu cag badnayn waxdadda, maan garan.
Sh Abiib, Sacad Muuse, Muàdinkii Masjidka Cali mataan.
Safka taagan;
Nika midigtaada ugu horreeyaa, kumuu cag-badnayn waxdadda, maan garan.
Muxumad Warsame, Sacad Muuse, Khasnajigii Waxdadda
Ninka ku xigaa kumuu cag-badnayn waxdadda, maan garan.
Axmed Cabdillaahi Riiraash, Madigaan, Golaha Wada-tashiga
Sh Muxumad, Arab, Muàdinkii Masjidka Jaamacii Dambe.
Xuseen Baraawe, Habarjeclo, Golaha Wada-tashiga.

Image may contain: 15 people

COMMENTS
Latest News