caroog.net
Waxaa La Gaaray Waqtigii Reer Galbeedka ay Ku Dayan Lahaayeen Maalgashatada Bariga
January 31, 2020 - Written by caroog

Shirweynahii maalgashiga Biriten (UK) iyo Afrika, oo ka dhacay magaalada London January 20, 2020 oo ay ka qayb galeen ilaa 21 hoggaamiye  iyo ganacsatada labada dhinac ayaa lagu soo bandhigay maalgashi dhan 2 bilyan oo sterliin ah ($2.6) oo badankiisa 90% uu u jahaysnaa dhinaca wax soo saarka gaaska iyo shidaalka.

Ra’iisul-wasaare Boris Johnson oo furay shirka ayaa ka soo jeediyay madasha bayaankii ugu horeeyay ee siyaasadda malgashiga maamulkiisa ee qaaradda Afrika. Hase yeeshee, inta badan wuxuu ka hadlayay dadaallada jira ee lagu kobcinayo ganacsiga gaarka loo leeyahay, taas oo ka dambeysa fikradda ah in Boqortooyada Biriten ay daneyneyso iskaashi cad oo ay la yeelato Afrika.

Walow madasha aysan ka muuqan madaxda Soomaalida, haddana ballanqaadka shirkadda shidaalka Tullow oo ahaa inay ku bixin doonto 1.2 bilyan sterliin sii wadidda soo saarista saliidda Kenya, waxuu astaan fiican u yahay in mustaqablka kheyraadka Soomaaliya uu soo jiidan karo maalgashi lixaad leh.

Si kastaba ha ahaatee, shirka London waa kii ugu dambeeyay shirar taxane ah oo loogu magac daray Shirarka Afrika iyo hal dal “Africa Plus One”, kuwaas oo uu  bilaabay dalka France 1972, kaddibna waxaa ku daysaday Japan 1993, Turkey 2008, Mareykanka 2014 iyo Rushka 2019.

Haddaba, su’aashu waxay tahay: Reer galbeedka, gaar ahaan Biritin wax ma ka baran doonaan habka iskaashiga Shinaha, dibse ma u hagaajin karaan maalgashiga iyo ganacsiga ay la leeyihiin qaaradda Afrika?

Shirka London wuxuu Biriten (dowlad iyo maalgashataba) fursad u siiyay inay si taxaddar leh u dhageysto waxyaabaha ay mudnaanta siinayaan hoggaamiyeyaasha iyo ganacsatada Afrika. Saadaashu waxay leedahay in sanadka 2050 dadka ku nool qaaradda Afrika ay ka badan doonaan 2 bilyan oo qof, taas oo micnaheedu yahay inay Afrika yeelan doonto awood wax iibsi oo lixaad leh, iyo da’yar dhaqaajin karta dhaqaalaha.

Madasha waxaa ka muuqatay, in Boqortooyada Biriten (UK) ay si ba’an u doonayso xiriir ganacsi iyo maalgashi, si ay uga faa’iideysato ka bixidda iskaashiga Midowga Yurub (Brexit), London-na ay u noqoto saldhigga maalgelinta horumarinta qaaradda sida lixaadka leh usoo koraysa. Durba waxaa muuqatay ifafaalo tilmaamayo in dalka Biriten uu fahmay in kaabayaasha saboolka ah ay yihiin caqabad hortaagan maalgashiga shisheeyaha ee Afrika.

Balse, nasiib darradu waxay tahay in reer galbeedka, gaar ahaan UK uusan la tartami karin maalgashiga Shiinaha ee Afrika, walow haba yaraatee maalgashatada cusubi ay wax ka beddeli karaan noolasha qaaradda, maaddaama abuurmayso shaqo waarta, kordhinnayso wax soo saarka beeraha iyo warshadaha, hagaajinayso adeegyada asaasiga u ah bulshada, fursad waxbarashana siin karta dhallinyarada.

Falaqeyayaasha dhaqaalaha ayaa rumeysan, in maalgashiga tooska ah (FDI, Dierect Foreign Investment) ee galbeedku uu ka qaalisan yahay kana kallif   badan yahay amase ka shuruudo badan yahay kuwa ay bixiyaan dalalka Bariga Dhexe iyo Bariga Fog.

Inkastoo ujeeddada shirweynaha ay ahayd sidii loo dhisi lahaa mustaqabal aamin ah oo barwaaqo u horseeda labada dhinac, haddana hadallada Boris Johnson kuma jirin wax muujinaya in Boqortooyda Biriten (UK) ay diyaar u tahay inay dib ugu noqon doonto qaab dhismeedka maalgashigeeda oo ay ku gacan sareeyaan ganacsatadeeda kuna dalbayaan ribix badan, si loo helo xiriir ka duwan kii hore oo yarayn kara sinnaan la’aanta.

Afrika waa suuqa mustaqbalka, waxayna u baahan tahay maalgashi ku dhisan sinnaan, ixtiraam iyo tixgelin dhaqammada anshaxa, iyo u-hoggaansanaanta shuruucda maxalliga ah, islamarkiina dhisaya awoodda degaanka, gacanna ka geysan kara dhaqaale la jaan qaadi kara himilada mustaqbalka fog ee qaaradda.

W/Q Cabdulqaadir Cariif Qaasim

COMMENTS
Latest News