caroog.net
Xaalad Adag Oo Ka Dhex Aloosan Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro Iyo Madaxweyne Muuse Biixi + Sababta.
April 8, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net) –  Xaalad Adag oo Culus ayaa mar kale ka dhex aloosantay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI iyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi taasi oo aan wali waan waanteeda la galin sidii loo qaboojin lahaa.

Afhayeenka xisbiga Mucaaridka Somaliland ee WADDANI Barkhad Jamac Batuun ayaa waxaa uu shaaciyey in xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ay shalay bartamaha magaalada Hargeysa gaadhigii gudoomiye Cirro ay wiish kaga dhex qaadatey isla markaana ay geysatay xerada ciidanka Birmadka.

Xisbiga ayaa waqti kooban xukuumadda uqabtay taasi oo ku saabsan in deg deg lagu soo celiyo Gaadhiga gudoomiyaha oo ay ku tilmaameen in sharci-darro ay tahay talaabadaasi.

Arrintan ayaa waxaa ay abuurtay xiisad xoogan, iyadoo aanay wali Xukuumadda Muuse Biixi wax faah faahin ah ka bixin ujeedada ay gaadhigii dhamaa ee Gudoomiye Cirro ula wareegtay.

Dhinaca kale waxa ay tani noqonaysaa Xiisad kale oo culus oo ka dhex aloosantay Gudoomiye Cirro iyo Madaxweyne Muuse Biixi iyadoo hore ay si weyn iskugu khilaafeen Doorashaddii Madaxtinimada oo uu Gudoomiye Cirro ku dooday inaanay doorahadaasi Cadaalad u dhicin.

Majirto wali Wax ergo ah oo ka hawlgashay xaaladdan iyo soo daynta Gaadhiga Gudoomiye Cirro oo Wakhtigan Safar dibadda ah ku maqan.

COMMENTS
Latest News