caroog.net
Xaalka Xisbiga UCID: Faysal Cali Waraabe Iyo Xoghaye Yuusuf Keyse Oo Xadhig Lala Damacsan Yahay Iyo Xoghaye Ramaax Oo Wali Xabsiga Kujira.
January 12, 2020 - Written by admin

“Gudaha Ka Akhri Isku Ekaanshiyaha Dacwadaha Lala Beegsanayo Masuuliyiiinta Xisiga UCID + Xaalka Faysal Cali Waraabe Ku Sugan Yaha.

Xaalad Culus ayaa soo food saartay Masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, waxaanay iskugu jiraan qaar maxkamadi raadinayso oo firxad kujira iyo qaar xabsiga kujira oo aan wali la maxkamayn kuwaasi oo dhamaantood ka tirsan Hogaanka sare ee Xisbiga.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali waraabe ayaa, dacwad la sheegay inay dhibane ka yihiin Qoyska Madaxweyne Biixi, waxa todobaadkii hore loo gudbiyay Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ee Hargeysa waxaana lala sugayaa sida ay Xisbigu noo sheegeen imaatinka Gudoomiyaha oo dalka dibaddiisa ku maqan. Sidoo kale Xoghayaha Warfaafinta Xisiga UCID Garyaqaan Yuusuf Keyse Cabdilaahi ayaa sida la sheegay waxa isna dacwad ka dhan ah Masuuliyiin uu ka mid yahay loo gudbiyay hay’addaha Baadhista Qaranka, waxaanay sida uu noo sheegay xoghayuhu uu ka dhegta u taagayaa xiliga iyo goorta talaabadani dhici doonto.

Sikastaba hanoqotee, Masuuliyiinta ugu saraysa Xisbigan ayaa waxay waajahayaan xaalado culus oo aanay hore u soo marin, waxaanay wararka aanu helaynaa ay sheegayaan in Gudoomiye Faysal Cali waraabe laftiisu uu dib u dhigtay safar uu maalmahan dib ugu soo laabanayay Hargeysa, arimo la xidhiidha dacdawadan, iyadoo wararku ay sheegayaan inuu ka cabsi qabo  in madaarka loo istaago oo xabsiga la dhigo.

 

COMMENTS
Latest News