caroog.net
“Xadhigga Siyaasi Ramaax Waxaa Looga Danleeyahay In Xukun Maxkamadeed Lagu Rido Oo Laga Reebo Musharaxnimadda Baarlamaanka Somaliland”.
January 3, 2020 - Written by admin

“Waxan la yaabanahay Oo Aan aqbali kari laanahay Dacwadda Qoyska Madaxweyne Biixi Ay Ku Soo Oogeen Eng-Faysal Cali Waraabe”. Sacad Balaaki

Xoghaye ku xigeenka Amniga Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa si kaduwan uga hadlay ujeedada Xadhigga Siyaasi Ramaax, isagoo sidoo kalena ka hadlay dacwad ka dhan Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo la sheegay inay Qoyska Madaxweyne Muuse Biixi u gudbiyeen Maxkamadaha Dalka.

Qoraal Kooban oo uu arimahaasi ku faah faahinayo Xoghaye Sacad Balaaki ayaa waxa uu ku yidhi “Xadhigga xoghaye Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax maaha Baashe Maxamed Faarax ayaa dacweeyay iyo Baashe ayuu u xidhanyahye baroortu origiga ka wayn runtii waa xadhig siyaasi ah waxaana looga dan leeyahay in Ramaax xukun maxkamadeed lagu rido si ay hadhaw Musharaxnimadiisa golaha wakiiladda ay saamayn ugu yeelato oo loo yidhaahdo xukun maxkamadeed ayaa ku dhacay oo isma sharixi karo”.

“Sidoo kale hadaan idiinku fasiro maah maah Somaliyeed ayaa tidhaahda fiintu waxay kasii oydaa jirka soo socda halkaa waxaa ka muuqata nugaylka xukumadda talada haysa oo kasii warweraysa Ramaax oo xildhibaan ah oo mucaarad ah ayaa aqalka baarlamaanka idiinsoo fadhiisan doona geesta kale hadiiba ay isleeyihiin sidan ayaa musharaxnimada kaga reebi kartaan miyay ilawsanyihiin in xeerkaa ay jebiyeen xukumaddihii kulmiye ee Kala dambeeyay oo uu Siilaanyana magacaabay qaar xukun maxkamadeed ku dhacay imikana ay fulinta xukuumadda Md Muuse Biixi Cabdi ay kujiraan xubno Xukun maxkamadi ku dhacday oo ay maanta fadhiyaan”

“Runtii maaha wax loo dul qaadan karo hab dhaqanka ay maanta xukumaddani ku dhaqmaysaa suuragala maaha in masuuliyiinta xisbiyada mucaaradka ah sidan loola dhaqmo oo cabudhin iyo cagajuglayn lays yidhaahdo ku baraq jebiya imika waxa wax la aqbli karo ah Faysal Cali waraabe ayaa xadhig loogu hanjebayaa wax la qaadan karo maaha ee hadii cid dembi loogu haysto hebel waa Somali wayn waxaa marag ma doon ah inuu madaxwayne Muuse Biixi xisbi dhan ku sheegay Somali wayn markaa ma maalinta masuul kulmiye ah Somali wayn lagu sheego ayuu cirku soo dhacayaa”. Xoghaye kuxigeenka amniga ee xisbiga waddani sacad Cali kaahin Balaaki

COMMENTS
Latest News