caroog.net
Xisbiga WADDANI“Amniga Dawladnimaddeena Khatar Weyn Ayay Ku Yihiin Jabhadda Maanta Talada Haysaa, Muuse Wuxuu Keli Ah Khibrad U Leeyahay Kala Kaxayn,Isku Diris Iyo Colaad Abuuris”.
April 7, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net) – Xisbiga WADDANI ayaa walaac ka muujiyay Hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanay Ku Tilmaameen in Muuse khibradda keli ah ee uu leeyahay ay tahay oo qudha, Burburin, kala diris, iska horkeen umadeed iyo colaad ka dhex abuurid umadda walaalaha ah dhexdooda.

Qoraal dhinacyo badan taabanaya oo uu bartiisa Facebookga soo dhigay Gudoomiyaha Garabka Dhalinyaradda Xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhame ayaa waxa uu kaga hadlay arintan, waxa kale oo uu kaga hadlay Gaadhigii Gaarka ahaa ee Gudoomiyaha Xisbigooda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ay Xukuumaddu la wareegtay Shalay.

Waxa uu Qoraalkiisu u dhignaa sidan “Amniga Qarannimada iyo dawladnimada Somaliland khatar weyn buu ku yahay nidaamka maanta jiraa. Jabahadda maanta talada haysaa maankooda iyo miyirkoodu ma joogo, waxaan ka ahayn colaad, cadaawad ahayni kuma jiro. Muuse khibrad aan ahayn kala kaxayn, kala dirid iyo dumin ma hayo, waxa kaliya ee ay tahay ujeedkiisuna waa in uu dab sudho dawladnimada la naafeeyay.

Dhacdada shalay ee lagula wareegay Gaadhiga guddoomiyaha Xisbiga WADDANI waa dhacdo hordhac u ah, aargoosi iyo isu awoodsheegasho. In wiish lagu jiido gaadhi furuhiisa la hayo sidii uu qarax geystay waa kicin. Ammaanka guddoomiyaha Xisbiga WADDANI waxa ka masuula dawladda, diyaarse uma aha oo way muuqataa, waxaana la dammaanad qaadi doona dufaaca guddoomiyaha WADDANI”.

Sansaan colaadeedbaa muuqata, waxa culays la saaray oo xeryaha lagu celiyay ilaaladii Guddoomiyaha, badh loo hanjabay iyo kuwa la ganaxayba laga dhigay, dabbay ku ciyaarayaan labada Kornayl, ummadda kadaaya colaada iyo iska horkeenka. Maanta hadday burburto gacantiinay ku burburaysaa. Haddaan la baraarugin oo aan la badbaadin qaranka meel dheerbaa laga dooni doonaa, waar kaddaaya, kaddaaya !

COMMENTS
Latest News