caroog.net
Xog Daaha Ka Rogtay Qorshaha Dhabta Ah Ee Uu Madaxweyne Muuse Biixi Ka Damacsanaa Furintaanka Ururadda Siyaasadda.
February 20, 2020 - Written by caroog

“Xisbiyadda Mucaaridka Ah Oo U Arka Talaabadani Mid Aargoosi Ah Oo Uu Madaxweynuhu Kaga Baxsanayo Fulinta Qodobaddii Horyaalay Ee Kala Dirista Komishanka Cusub Ee Doorashooyinka.

Hargeysa(Caroog.net) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Doraad khudbadiisi sanadlaha aheyd ee uu ka hor-jeediyay labada gole ee baarlamaanka ku shaaciyay go’aan ah in uu dib u furayo Ururada siyaasadeed ee Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in muddadii uu xilka hayey ay ku lumeen murano ka dhashay qabsoomida doorashooyinka oo u dhaxeeyay xukuumadiisa iyo xisbiyada Mucaaridka uu go’aansaday in uu xal bido in la furo ururada siyaasada. Madaxweyne Biixi ayaa ku doodaya in muranka ka taagan qabsoomida doorashooyinka Somaliland xal loo helayo haddii dib loo furo ururadaasi, midaasi oo ah waqti kale oo sii fogeynaysa qabsoomida doorashooyinkii markii la isku hayay qabsoomidooda.

Hadalkii Madaxweynaha ayaa u dhignaa sidan“Mar haddii laba sanno oo hore ay inagaga lumeen muranka Xisbiyada Mucaaradka ah ee aan sharciga ku fadhiyin, jidka kaliya ee innoo furan maanta, waa in aan soo hor-marino furitaanka Ururada Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka” ayuu yidhi Madaxweynuhu isagoo arrinkaasi ka hadlaya.

Wargeyska Foore oo wakhti badan siiyay inuu xog ka helo Qorshaha dhabta ah ee uu Madaxweyne Biixi ka damacsanaa arintan ayaa waxa ay xogaha aanu helnay daaha ka rogeen mid uu Madaxweyne Biixi ka lahaa qorshe halis ah dib u furista ururada siyaasada, kaasi oo gebi ahaanba uu ku tirtirayo, ama uu kaga aargoosanayo xisbiyadda  mucaaridka Somaliland oo ay mudooyinkii u dambaysay Fiintu dhex miranaysay.

Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi qorshaha ugu wayn ee uu ka damacsanaa arintani uu ku rabay in uu Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI uu ku hadho tartankaasi ay dib ugu soo baxayaan xisbiyada qaranku, isla markaana uu ku soo saaro Xisbiyo kale oo ku raacsan aragtiyihiisa siyaasiga ah sida ay u arkaan Badi masuuliyiinta Xisbigani. Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa caqabad weyn ku noqday qorshe uu Biixi ka lahaa Komishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland, kaasi oo xisbiyada mucaaridku si adag uga horyimaadeen oo ay kala noqdeen Kalsoonidii wada shaqayneed. Xisbiyadda Mucaaridka Ah ayaa U Arka Talaabadani Mid Aargoosi Ah Oo Uu Madaxweynuhu Kaga Baxsanayo Fulinta Qodobaddii Horyaalay Ee Kala Dirista Komishanka Cusub Ee Doorashooyinka waxaanay aaminsan yihiin inaay arintani sinaba u suuragal ahayn.

Haddii uu ka dhabeeyo Madaxweyne Biixi qorshaha dib u furista ururada, waxa sidoo kale meesha ka bixi kara xisbiga mucaaridka ah ee Ucid sida ay dad badani qabaan, inkasta oo aanu aheyn ujeedka ugu weyn ee looga dan leeyahay furista ururada.

Waxa waqti xaadirkan Somaliland ka jirra Saddex xisbi qaran oo mid talada hayo waa Kulmiye, halka labada kale ee WADDANI iyo UCID ay yihiin Mucaarid aan la dhacsaneyn hab maamulka Madaxweyne Biixi, iyagoo mudadaasi uu xilka hogaaminta Dalka hayay ee Labada Sanno ah siyaasad yool yooltan iyo weerar ah ku hayay.

COMMENTS
Latest News