Akhri Magacyada Ganacsatada Reer Tog-Wajaale Ee Itoobiya Xayirtay Dhammaanba Hantidii Baananka U Taalllay, Eedaha Loo Haysto Iyo Sababta Baanka Dhexe Gulufkii Ugu Cuslaa Ugu Qaaday Ganacsatada
January 28, 2021 - Written by caroog
Baanka dhexe ee Xukuumadda Federaalka Waddanka Itoobiya ayaa gabi ahaanba Xayiray, Dhaqdhaqaaqii Maaliyadeed iyo Ganacsina hawada ka saartay Boqollaal Ganacsato ah oo waaweyn oo ay xataa ku jiraan Uguna Badan Yhiin Ganacsato reer Wajaale ah oo isticmaali jiray Baananka Ganacsi ee dalka Itoobiya eek u yaalla Daanta Itoobiya ee Wajaale.
Baanka Dhexe ee Xukuumadda Federaalka Itoobiya ayaa Toddobaadkan soo saaray wareegto Culus oo lagu taxay Liiska Ganacsato badan oo xayiraad laga saaray Lacagihii u yaallay Baananka Itoobiya maadaana Baanka dhexe uu maamulo dhammaanba bangiyada kala duwan ee Ganacsi ee dalkaasi Itoobiya ee ay dadku isticmaalaan, waxaana Ganacsatadan lagu eedeeyey in ay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo liddi ku ah sharciga Maaliyadda, Diriddidda Lacagaha iyo dambiyada la xidhiidha sida Dhaqista Lacagta, Ganacsiga Koontarabaanka, adeegsiga xawaalado sharci darro ah oo loo diri karay wax ay Itoobiya ku sheegtay argagixiso iyo guud ahaan nidaam Liddi ku ah shuruucda Maaliyadeed, ganacsi, lacag dirid iyo keydineedba taasoo keentay in xukuumadda Itoobiya gaar ahaan Baanka Dawladdu soo saaro xayiraaddan culus.
Wareegtada Baanka ayaa lagu taxay Magacyada Ganacsatada, Bangiyada ay isticmaalayeen, Magaalooyinka ay akoonada ku lahaayeen iyo xaddiga Malaayiinka Birr ee xayiraadda laga saaray waxaana liiskan ka muuqdo Magacyo badan oo ah ganacsato dhirbaaxadan culusi ku dhacday oo ka diiwaan gashanaa Magaalo Ganacsiyeedda Tog-wajaale gaar ahaan Daanta Itoobiya kuwaasi oo isugu jira Ganacsato Somaliland kasoo jeeda, kuwo dawlad Deegaanka ka soo jeeda iyo xataa Ganacsato kale oo Itoobiyada kale ah balse xidhiidhka ugu weyn ee Ganacsi la lahaa Magaalada Wajaale.
Magacyada Ganacsatada Soomaalida ah ee Lacagtoodii iyo Ganacsigoodiiba la xayiray, xaddiga lacagta laga xayiray iyo sababta looga shakiyay ganacsigoodu waxa ay kala yihiin:
Tog-wajaale: Fuaad Aadan Ciise- Lacagta laga xayiray 139,401,183 Birr, waxa lagu eedeeyey Lacag dirid sharci darro ah.
Tog-wajaale: Cabdilaahi Axmed Faarax- Lacagta Laga Xayiray 61,334,947 Birr – Lacag dirid sharci darro ah
Go’aankan Baanka Itoobiya soo saaray ee xayiraadda ah ayaa guux culus ka dhaliyay dalkaasi maalmihii ugu dambeeyey waxaana wararka qaar sheegayaan in ay ganacsato kale ku daba jiraan oo ay doonayaan in ay tallaabadan oo kale ka qaadaan.