caroog.net
Al-Shabaab iyo shacab oo ku dagaalamay gobolka Mudug
February 17, 2021 - Written by caroog

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyey kooxda Al-Shabaab iyo dadka deegaanka uu ka dhacay deegaanka Jiic-dheere oo ku yaalla koofurta gobolkaasi oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka oo qaatay saacado badan ayaa waxaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu yimid, ka gadaal markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerareen deegaankaasi oo hoostaga Bacaadweyn.

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Ciidamada Xoogga dalka qeybtooda 21-aad ayaa sidoo kale la sheegay inay dagaalka markii dambe ka qeyb-qaateen, iyaga oo gurmad ahaan ugu tegay dadka deegaanka.

Saraakiil u hadashay taliska Xoogga dalka ayaa sidoo kale shaaciyey in dagaalkaasi lagu dilay ugu yaraan 5 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwa kalena lagu dhaawacay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, iyada oo ciidamada dowladda ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

COMMENTS
Latest News