caroog.net
Allaybaday :Tageerayaasha Xisbiga KULMIYE Iyo Musharrax Cumar Faarax Cabdilaahi Oo Wacdaro Muujiyey.
May 26, 2021 - Written by caroog

Reer Allaybaday Waxaan Leeyahay Kuma Guul-Daraysanaysaan Codka Aad  Isiisaan”Musharrax Cumar Faarax Cabdilaahi

Allaybaday (Caroog.net) – Tageerayaasha  Xisbiga KULMIYE iyo Musharrax  Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodijeex Cumar Aw Faarax Cabdilaahi, ayaa Magaalada Allaybaday ku soo bandhigay isu soo bax ballaadhan oo ay ku muujinayaan cududooda tageero ee ay u hayaan Xisbiga KULMIYE iyo Musharrax  Prof Cumar Aw Faarax Cabdilaahi.

Musharrax  Xisbiga KULMIYE ee Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodijeex Cumar Aw Faarax Cabdilaahi  ayaa Tageerayaashiisa Degmadda Allaybaday kale qayb-galay isu soo baxii ololaha doorashoyinka ee Xisbiga KULMIYE ,waxaanay halkaas ka sameeyeen dhoolatus yaable,iyagoo si weyn u muujiyey taageerada ay u hayaan Musharrax Cumar  Faarax Cabdilaahi  iyo Xisbiga KULMIYE.

Fagaaraha Khayriyadda Degmadda Allaybayd ayaa waxa soo buux dhaafiyey boqolaal kamid ahaa taageerayaasha Xisbiga KULMIYE iyo Musharraxa Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodijeex ,kuwaas oo ku dhawaaqayey hal ku dhigyo ay ku taageerayaan Xisbiga KULMIYE iyo Musharrax Prof Cumar Aw Faarax, iyadoo qaar kamid ah odayaashii Haweenkii iyo dhallinyartii ka hadlay halkaas ay caddeeyeen in codkooda ay siinayaan maalinta doorashada ee bishan May 31 ,2021-ka Musharrax Cumar  Faarax Cabdilaahi iyo Xisbiga KULMIYE,balse cid kale aanay ku soo lugo’in.

Dhanka kalena Musharrax Prof Cumar Aw Faarax Cabdilaahi oo kumanaan tageerayaashiisa kale hadlay faagaaraha khayriyadda Degmadda Allaybaday ayaa uga mahad-celiyey taageeradooda  muga iyo miisaan ka leh ee ay u muujiyeen:- “Tunka ayaa la igu qaaday waa la i amaanay ,amaan aanan lahayn,maddaama aanan maanta idin odhanayn qof walowba waxaas ayaan idin siinayaa ,waxa aan illaahay ka baryayaa inuu idinka abaal mariyo,.”ayuu yidhi

Waxa kale oo uu sheegay Musharrax Prof Cumar Aw Faarax Cabdilaahi  inuu wakhti iyo tacab geliyey dhismaha jidka isku xidha Allaybaday iyo Gabiley,kaas oo hadda maraya meel wanaagsan“Walaalayaal degaankeenan Allaybaday wuxuu u baahan yahay dedaal,sannadkii 2014-kii markii aan imi waxa  i dhibay dariiqaa Allaybaday sida uu ahaa iyo dhibaatada idin haysatey,walaalayaal dariiq-yaddu waa sanbabka ay ka neefsadaan Magaalooyinku, sidaad dartee maalintii aan imi  si kastaba ha igu qaadato’ eh, wakhti ha iga qaadato oo Lacag ha igaga baxdo in waddadaa aan ka shaqeeyo maantana meel wanaagsan ayey maraysaa .”

Ugu Dambeyn Musharrax Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodijeex Cumar Faarax Cabdilaahi ayaa u sheegay Bulshadda reer Allaybaday in codka ay siiyaan isaga aanay ku guul-daraysan doonin “Reer Allaybaday waxaan leeyahay kuma guul-daraysanaysaan codka aad  isiisaan  “ayuu yidhi

COMMENTS
Latest News