caroog.net
Askari Ka Tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliya Oo Weerar Argagaxleh Ku Qaaday Guri Kuyaala Muqdisho Oo Lagu Tumayey Miyuusik Iyo Dad Badan Oo Ku Geeriyooday Weerarkaasi.
July 21, 2020 - Written by caroog

“Dadka La Weeraray Horey Waxaa Looga Soo Saaray Xaafad Ka Tirsan Degmada, Waxayna Soo Degeen Goobta Galabta Lagu Weeraray” Gudoomiye Saynab

Muqdisho(Caroog.net) – Guddoomiyaha degmada Warta Nabada ee gobolka Benaadir ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo lagu magacaabo Saynab Xaabsey ayaa faahfaahin ka bixisay weerar Shalay nin hubeysan uu ku qaaday guri ku yaalla degmadaas oo lagu tumayey Miyuusik.

Warbaahinta Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu soo kordhay khasaaraha weerarka ayna ku dhinteen ugu yaraan shan qof, halka 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Saynab Xaabsey oo shir jaraa’id ku qabtay guriga la weeraray ayaa sheegtay in Nin ku hubeysan qori AK-47 uu rasaas aan loo meel dayin ooda dad kaga qaaday dad ku sugnaa Guri ku yaalla agagaarka Masjidka  Xaaji Yuusuf oo si dhuumaaleysi ah loogu tumayay Miyuusika.

“Dadka la weeraray horey waxaa looga soo saaray Xaafad ka tirsan Degmada, waxayna soo degeen goobta galabta lagu weeraray, iyagoo Maanta dib u bilaabay tumista Miyuusika, dhinaato badan ayaa ka dhacday goobta” ayey tidhi gudoomiye Xaabsey oo intaas ku dartay in ninka falka geystay oo ka tirsanaa ciidamada dowlada uu baxsaday laguna raad joogo.

Dhinaca kale, taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyey magaca askariga geystay weerarkan iyo ciidanka uu ka tirsanaa.

“Abaare 12:30 duhurnimo, ayaa nin ku labisan labiska Ciidanka, waxaa uu rasaaseeyay dad ku sugnaa Goob Mingiska lagu tumo iyo Xerada Barakacayaasha ee Camp 15-May oo ku taala agagaarka iskoolka 15-May ee Degmada Warta nabada, Eedeysanaha falkaas geystay ayaa lagu magacaabaa Cabdikariim Dheere, wuxuuna horay uga tirsanaan jiray Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, isagoona goobta ka baxsaday weerarka kadib.” ayaa lagu yidhi Qoraalka Taliska Booliska.

COMMENTS
Latest News