Beesha caalamka oo farriin deg deg ah u dirtay madaxda Soomaalida kadib heshiiskii Baydhaba
February 17, 2021 - Written by caroog
Muqdisho (Caroog net) – Beesha Caalamka ayaa war-saxaafadeed wadajir ah oo si deg-deg ah usoo saareen uga hadleen Heshiiska ay gaareen Guddiga farsamada arrimaha doorashada federaalka, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ku shirsanaa magaalada Baydhabo.
Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa si weyn usoo dhaweeyay heshiiskii lagu gaaray shirkaas, oo xal looga gaaray xiisada Guddiga Doorashada kuraasta Somaliland, Xaaladda Gobolka Gedo, Adkaynta Qoondada Haweenka iyo Jadwalka qabsoomidda doorashada.
“Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay soo dhoweynayaan ku-dhawaaqistii 16kii Febraayo ee ahayd in Guddiga Farsamada ee matalaya Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay soo asteeyeen xalka farsamo ee loo helay arrimaha dib u dhigay hirgelinta hannaanka doorasho ee 17kii Sebtember, iyo in xalkaas farsamo loo gudbiyay Golaha Wadatashiga Qaran,” ayaa lagu yiri qoraalka.