caroog.net
Ciidanka Booliiska Oo Gacanta Ku Dhigay Gaadhi Dawladdu Leedahay Oo Lagu Qabtay Iyadoo Jaad Lagu Soo Galinayo Koonfurta Magaaladda Hargeysa.-
May 6, 2020 - Written by caroog

“Arintan Ayaa Kashiftay Sida Ay Gaadiidka Dawladdu Gacanta Ugu Jiraan Shaqsiyaad Iyo Hay’addo Aan La Lexejeclo Ka Qabin Qaranka Oo Wax walba ku fulin kara.

Hargeysa(Caroog.net) – Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa habeen hore gacanta ku dhigay Gaadhi Hardh Top ah oo Lambarkii Dawladda ee GT-gu ka lusho kaasi oo sida la sheegay lagu soo cabeeyay Geedka qaadka ah islamarkaana lagu soo kootarabaaninayay.

Gaadhigan Hard-Topka ah oo midabkiisu ahaa Midabka caddaanka oo ay Ciidanka Booliisku habeen hore ku qabteen mid ka mid ah jidadka dhinaca koonfureed kasoo gala Magaaladda Hargeysa iyadoo qaad lagu soo kootaraabinanayo ayaa sida la xaqiijiyay ay lahayd Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan inuu gaadhigaasi ka mid yahay islmarkaana uu ka tirsan mid ka mid ah Xafiisyadda masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada oo uu si gaar ah ugu adeegto.

Inkasta oo aanay wali ka hadal hay’addaha ay arintani khusayso, hadana Lama garanayo sababta ku kaliftay in gaadhi dawladeed lagu soo kootarabaaniyo Qaad,  balse wararka Wargeyska Foore helayo ayaa sheegaya in gaadhigii iyo dirawalkiiba ay xidhan yihiin islamarkaana ay baadhis ku hayaan hay’addaha baadhista Dambiyadda Dawladu.

Dhinaca kale waxay arintani fajiciso ku riday Shacabka Somaliland intii maqashay, waxaana islamarkiiba si xoog ah loogu qaadaa dhigay oo lasoo dhigay sawirkii gaadhiga iyo goobta lagu qabtay oo lagu sheegay Masalaha Koonfurta Magaalada Hargeysa, Waxaana lagu faaqiday Baraha Bulshada iyadoo waliba si gaar ah farta loogu fiiqay sida aan loo xakamayn gaadiidka dawladda ee ay gacan aan lala xisaabtamani ugu jiraan.

COMMENTS
Latest News