caroog.net
Deg Deg: Isku Shaandhayn Xoogleh Oo Miis Saaran Iyo Saylici Iyo Muuse Biixi Oo Isku Haysta Wasiirka Caafimaadka Hala Badelo Iyo Labadeli Maayo, Iyo Khilaaf Xoogleh Oo Ka Dhex Taagan.
April 23, 2020 - Written by caroog

Hargeysa(Caroog.net) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici ayaa si weyn iskugu maandhaafsan in Wasiirka Caafimaadka Xilka laga Qaado.

Wararka ay helayso Shabakadda Caroog.net ayaa sheegaya in Madaxweyne Muuse Biixi uu maalmahan diyaarinayo oo uu gacanta ku hayo isku shaandhayn uu rabo inuu ku sameeyo Golihiis Xukuumadda, waxaana la sheegayaa in Madaxweyne Ku Xigeenka ay si weyn iskugu khilaafeen in xilka laga qaado Wasiirka Caafimaadka Cumar Cali Cabdilaahi kadib markii uu Madaxweynuhu arintaasi la wadaagay, islamarkaana uu u sheegay inuu xilka ka qaadayo, waxaanay arintaasi keentay inuu saylici ganafka ku dhufto arintaasi kana biyo diido, waxaanay arintani noqotay mid dibadda uga soo baxdo xafiisyadooda.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda Gobolka Awdal waxaanay isku hayb hoose yihiin Madaxweyne Ku xigeenka, Waana Wasiirka Qudha ee deegaankaasi ka soo jeeda ee uu Saylici keenay, iyadoo saddexda wasiir ee kale ee Xukuumaddda kujira ee deegaankaasi kasoo jeedaa aanay wax xidhiidh dhaw ah la lahayn Saylici, taasi ayaa loo malaynayaa inay tahay arinta uu Saylici ugu adag yahay inaan xilka laga qaadin Wasiir Cumar.

Dhinaca kale, Majiro war Rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca Madaxtooyada oo ku saabsan Isku shaandhaynta balse aad ayaa loo hadalayaa, sidoo kale lama garanayo sababta uu Madaxweynuhu wakhtigan Xilka uga qaado Wasiirka Caafimaadka.

COMMENTS
Latest News