caroog.net
Fadeexad Kasoo Ifbaxday Gaadhigii Hundai-Ga Ahaa Ee Ay Bixisay Shirkadda Somtel Iyo Macalin Guriga Mulkiilaha Shirkadda Wax Ka Dhiga Oo Lagu Sawiray Inuu Ku Guulaystay.
July 22, 2020 - Written by caroog

“Warar Sheegaya In Gaadhigaasi Uu Dib Ugu Noqday Gacanta Mulkiilaha Shirkadda Iyo Daah-Furnaanta Xayaysiiskii oo Been Ku Soo Gunaanadmay.

Hargeysa(Caroog.net) – Gaadhigii ugu qaalisanaa makhtiyaanasiibkii Shirkadda Isgaadhsiinta ee Somtel baahisay inay ku tartansiinayso macaamiisheeda isticmaala Adeegga shirkadda ayaa waxa uu ku soo gunaanadmay been iyo khayaano indho sarcaad ah oo lagu marin habaabiyay macaamiisha shirkadda.

Gaadhigan oo ahaan nooca Hundai-ga loo yaqaan oo shirkaddu dhex dhigtay macaamiisha isticmaala adeegeedeeda ayaa maalintii isniintii xaflad loogu qabtay Garoonka Timacadde ee kuyaala Badhtamaha Magaalada Hargeysa waxaana loo yeedhay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil si bulshadu u aamintu.

Wararka isasoo taraya ayaa sheegaya in Wiilkii ay sheegeen inuu gaadhigaasi ku guulaystay uu ahaa macalin Quraanka Guriga ugu dhigga Caruurta Mulkiilaha Shirkadda Somtel, arintaasi ayaa si weyn loo soo ogaaday, islamarkaana la cadeeyay, waxaana muuqata inuu mulkiilaha Shirkaddu sameeyay indho sarcaad islamarkaana uu gaadhigii dib ugu noqday  gurigiisa.

Arintan ayaa fadeexad ku noqonaysa Guud ahaan geedi socodkii iyo aaminaadii shirkadda maadaama oo uu barnaamijkii aad usoo jiitay macaamiisha Somtel uu ku soo gunaanadmay khayaano iyo indho-sarcaad aan cidna indhaha looga qarin.

Warkan oo Faah faahsan goordhaw filo.

COMMENTS
Latest News